Diyaarada Kenyan Airways Oo Bilaabaysa Duulimaadyadeeda Hargeysa.

0
613

Diyaarada Kenyan Airways Oo Bilaabaysa Duulimaadyadeeda Hargeysa.

Kenyan Airways

Kaddib markii uu xumaaday Cilaaqaadkii ka dhaxeeyay dawladaha Kenya iyo Soomaaliya, shirkada diyaaradaha ee Kenya Aiways ayaa bilowday qorshe cusub oo ay ku dooratay in Hargeysa noqoto xarunteeda labaad ee duulimaadyada gobolka geeska Afrika.

Duulimaadyadan ayaa wax wayn ka taraya cilaaqaadka ganacsi ee dawladaha Somaliland iyo Kenya.
Shirkada Kenya Airways ayaa hore udhamaysay cilmi baadhis balaadhan oo ay ansixiyeen baarlaamka waddanka Kenya kaas oo ka saacidaya inay toos ubilowdo duulimaadyadeed Hargeysa.
Sida lagu sheegay warbixinta ay baahisay shabekada HornDiplomat in kabadan 15,000 oo Kiinyaan ah ayaa kunool ,kana shaqaysta Somaliland .
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cabdi maxamed rodol ayaa todobaadkan safar shaqo ku tegay magaalada Nairobi ee waddanka kenya si uu udhamaystiro heshiiska diyaarada Kenya Airways, maareeyaha ayaa wadahadal toos ah la furay masuuliyiinta shirkada Kenyan Airways kaasoo kusoo dhamaaday guul.
Dawlada Kenya ayaa dhowaan magacawday Qunsul uqaabilsanaan doona arimaha Somaliland kaas oo xaruntiisu noqon doonto Hargeysa.
Warbixintan oo dhamaystiran ka eeg lingaxan hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here