Qabyaaladi Waa Qadhmuun, Qaar Bayse Udgoon U Tahay

0
30

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.(ASCWRWB)SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

1-QABYAALADI WAA QADHMUUN,QAAR BAYSE UDGOON U TAHAY,

QAYRKOOD BAY DHAAFISOO,QOLIYO REER KU MEEL MARAYOO,

QUSHIGI WUXU DOONAY HELAY,QURUX IYO FA’IIDAY U TAHAY,

QOFKII KU QABAWSADAA,MIYAABU  CAY U QUUDHAYAA.

 

2-QABYAALADU WAA QADHAADH,DADBAY QUUDKOODA TAHAY,

QAANAY QAATEEN MAR HORE,AYAY QARASHKII BAXSHAAN,

QUUS BAY KA YIHIIN DADNIMO,WELIGOD WAY U QOOLANYIN,

QOFKII AY BARIINSATANA,QAAXIYO CUDUR BAY KU TAHAY.

3-QABYAALADU QAAYISNIMO,QISHKIYO CEEBAHAW QARSOON,

QARANKI KU DHAQMA YAQAAN,QOONTEEDANA WUU QABAA,

ISGOON QOFNA EERSNBUU,QASAARAAYO WUU DUMMAA,

QAARBAA KUUGU FAANAYO,QALAB IYO QUWADODA TAHAY.

 

4-QABYAALADA QAAWANEE,QARAABE XIGAAL KU XIDHAN,

QALOOCEEDU SOO IFBAXO,QURUUMUHU KUGU BARTAAN,

QABKAIYO KIBIR KUGU RIDE,QARIYO BUURO KULA KORTE,

QADAAFA KAAGA FILAN,QOOMOMIYO CIILBAW DANBAYN.

             ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here