Hadalhaynta Shacabka Ee Ku Wajahan Xayiraaddii Xukuumadu Kusoo Rogtey Talafishanada Eryal iyo Horyaal.

0
403
Hadalhaynta Shacabka Ee Ku Wajahan Xayiraaddii Xukuumadu Kusoo Rogtey Talafishanada Eryal iyo Horyaal.Xayiraadda lagu Soo Roggey Laba Kamid ah Talafishanada ku Cusub Saaxada Warbaahinta Madaxa-banaan ee Somaliland,oo ah kuwii ugu dambeeyay ee kusoo Biirra Talafishanadda sida gaarka ah looga Leeyahey Somaliland Waa Tvga Eryal iyo Tvga Horyaal24 qoddobada Xukuumaddu u cuskatey, Xayiraadooda,Dooda Masuuliyiinta Talafishanadaasi kaga hal celinayaan Dacwadda lagu xayirey.qaabka loo marey Xayirraada laf ahaanteeda,Wararka ka Daba yimid iyo Xanta Dadweynuhu u Sibir saarayaan in loo tix raacey.

Xayiraadda Talafishanadan oo Maamilmihii u Dambeeyay si aad ah Dadweynuhu u hadalhayay Gaar ahaana Goobaha Lagu kulmo,ee Caasimada Hargeysa waxa ka taagneyd Dooda ku Wajahan Sababta loogu soo Rogey Xayiraadda iyadoo ay jiraan Qeybo badan oo kamid ah Shacabka Somaliland,oo Maamulayaasha Xiligan ee Talafishanadan ku waafaqsan in Xayiraadooda loo Marey Waddo aan aheyn tii Sharciga aheyd iyo Qeybo badan oo kamid ah Bulshada oo iyaguna Xayiraadooda u aaminay sidii ay Xukuumaddu ugu eedaysay,in ay Baahiyeen arimo isku dir Beelaha Somaliland iyo Kicin dadweyne ah, iyo Waliba Qeybo kale oo iyaguna rumeystay Xanshashaqa Qeybo shacbiga Reer Somaliland ahi farta ugu Fiiqeen in Mulkiilayaasha dhabta ah ee Labaddan Talafishan ay Sabab u Tahey Xayiraadda Xukuumaddu kusoo Rogtey EryalTv iyo Horyaal24 Tv kuwaas oo ay ku Sheegayaan Xanshashaqa Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi,iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Samsam Cabdi Aadan,iyaddoo ay Labadda Masuul si gaar ahaan ah ugu Xidhnaayeen Labadda Masuul ee hadda gacanta ku haya Maamulka labadan Talafishan.

 

Sikastaba ha ahaatee,Xukuumada ayaa soo saartey Dhambaal ay ku socodsiisay Shirkadaha Saldhiga u ah Baahinta Labadan Talafishan kuwaas oo ay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Biixi hogaaminayo ka codsatey in gabi ahaanba laga Saarro Mawjadaha ay kaga jirraan Shirkadhaasi arintaas oo iyaduna Dood kale sii abuurtey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here