Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Faratoon Oo Warqada Iscasilaada u gudbiyay Madaxwayne Muuse.

0
561

Hargeysa-(Qoryaalenews)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon ayaa warqad iscasilaada u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland, hase yeeshee Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Warbaahintu heshay ayaa xaqiijiyay in Wasiir Faratoon oo galabta ka soo degay Madaarka Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay wada-hadalkii Fashilmay ee Somaliland iyo Somalia ku ballansanaayeen inuu ka dhaco Nairobi uu warqad iscasilaada u gudbiyay Madaxweyne Biixi.

Warku wuxuu intaa ku daray In iscasilaada Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland salka ku hayso canaan xoog badan oo uga tumi Madaxweynaha Somaliland oo ka biyo diiday kulan uu Wasiirku Nairobi kula yeeshay Wasiirrada ka soo jeeda beeshiisa ee xukuumadda Federaalka Somaliya.

Lama saadaalin karo in Madaxweyne Biixi ka aqbalo iscasilaada iyo in loo diro ergo lad-qabaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here