Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo ku Guuldaraystay inay xal ka Gaadhaan Caqabada Hortaagan Qabsoomida Doorashooyinka wakiillada iyo Deegaanka.

0
491

Kulan caawa saddexda xisbi ku dhexmaray madaxtooyada ayaa Ilo xogogaal ahi ii sheegeen in uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday kadib markii xal laga gaadhi waayay tirada xubnaha guddida doorashada qabanaysa oo mucaaradku doonayaan in loo kordhiyo saamiga ay ku leeyihiin halka madaxweyne Biixi-na diidan yahay oo uu doonayo in ay ahaadaan qaabka ay hadda u dhisan yihiin.

 

Madaxweyne Biixi, ayaa hore shacabka ugu bushaareeyay in maalinta sabtida ay saddexda xisbi isu imanayaan war farxad leh-na ka soo bixi doono.

 

 

 

Maha Markii Ugu Horaysay Ee Ay Kulmayaan Sadxda Xisbi Qaran Waxana Horay U Jiray Kulamo Kuwan Ka Horeeyey Kuwaasi Oo Guul Daro ku Soo Dhamaaday ,Dadka Siyaasada Somaliland Falanqeeya Ayaa U Arka Inaanay Qabsoomayn Doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here