Safaarada Turkiga ee Hargeysa Wuxuu noqday Suuq qalin shubato ah,Oo lagu Dhaco Dadka Bukaan Socodka Ah.

0
440
Dışişleri Bakanı Mevlüt Çavuşoğlu ve Avrupa Birliği (AB) Bakanı Ömer Çelik, AB Dış İlişkiler ve Güvenlik Politikası Yüksek Temsilcisi/AB Komisyonu Başkan Yardımcısı Federica Mogherini ve Komşuluk Politikası ve Genişleme Müzakerelerinden Sorumlu AB Komiseri Johannes Hahn ile "Türkiye-AB Üst Düzey Siyasi Diyalog Toplantısı"nın ardından ortak basın toplantısı düzenledi. ( Fatih Aktaş - Anadolu Ajansı )
Qaar Ka Mid Ah Dadka Ku Dhaqan Dadwayanaha Ku Dhaqan Magaalada Burco Ayaa Cabasho Wayn Ka Muujiyay Habka Safaarada Turkigu Ula Dhaqanto Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee Fiisaha Uga Baahda Safaarada Turkiga Ee Ku Taala Magaalada Hargeysa. 

Waxay Sheegeen In Safaaradu Lacag Badan Ka Qaado Dadka, Hasa Yeeshee Qofkii Aan Hayasan Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Ama Aan Cid Ka Garanayn Dadka Soomaalida Ah Ee Ka Shaqeeya Safaarada Oo Iyagu Dhamaan Reer Hargaysa Ah Ay Adag Tahay Sida Loo Siiyo Fiisaha Turkiga Ee Ay Bixiyaan.

Hooyo Nimco Abokor Axmed Oo Ka Mid Ah Dadka Ka Cabanayay Safaarada. Waxay Sheegtay Inay U Bixi Lahayd Xaalad Caafimaad Oo Dhammaan Dhakhaatiirta Iyo Wasaarada Caafimaadkuba Caddeeyeen Inaan Gudaha Waddanka Waxba Lagaga Qaban Karin, Waxay Sheegtay In Bishii 2aad Ee Sannadkan Laga Wada Xareeyay Dhammaan Waraaqihii Iyo Lacagtii Fiisaha,Iyadoo Sidoo Kalena La Iiga Diyaariyay Turkiga Isbitaalkii La Igu Qali Lahaa, Hase Ahaatee Mudadaasi Afarta Bilood Ahayd Safaaradu Waxay Ii Geysatay Dhibaato Aad U Weyn.

Nimco Abokor Axmed Oo Hadalkeeda Sii Wada Waxay Sheegtay In Kolkii Ay Muddo Bil Ah Hargaysa Joogtay Ee Jawaab Ka Wayday Safaaradda,Inay Ku Laabatay Magaalada Burco Maadaama Aanay Deegaan Ku Ahayn Hargaysa,

Intaasi Kadib Waxay Sheegtay Hooyo Nimco Inay Lasoo Hadleen Shaqaalaha Safaaradu 3 Bilood Kadib Oo Ku Beegnayd Bishii 5naad Ee May,Waxaanay Ii Sheegeen Bay Tidhi Inaan Back Garoundka Sawirkayga Soo Caddeeyo ,Kadib Waxaan Imi Hargaysa Kadib Sawirka Oo Kolka Horeba Back Garounkiisu Caddaa Waxaan Anigoo Tooda U Raacaya Kasoo Dhigay Caddaankii Ay Sheegayeen,Kolkii Aan U Geeyay Sawirkii Iyo Waraaqihii Waxay Kadib Ii Sheegeen Inay Ila Soo Hadli Doonaan,

 

Intaasi Ka Dib Waxay Sheegtay Hooyo Nimco In Xanuunkii Nabarku Kusii Kordhay Isla Markaana Ay Awoodi Wayday Inay Gobolkii Ku Laabato,Isla Markaana La Degtay Dad Ka Mid Ah Qaraabadeeda,Daawooyinkana Ku Qaadan Jirtay Halkaas.

Kadib 16kii Bishan Juun Ayay Isoo Waceen Bay Tidhi Hooyo Nimco Shaqaalahii Safaaradu Waxayna Ii Sheegeen,In La Iisoo Diiday Fiisihii.

Kadib Waxaan Weydiistay Waraqihii Ay Iga Qaadeen Iyo Lacagtaydii,Iyadoo Ay Iigu Sii Daran Yihiin Waraaaqihii Caafimaadka Oo Aanan Wax Copy Ah Ka Haysan,Hase Ahaatee Way Iga Diideen Wacxaanay Ii Sheegeen Inaanay Lacagta Iyo Waraaqaha Ii Celinaynin.

 

Hooyo Nimco Waxay Xustay In Haween Kale Oo Iyaguna Reer Burco Ah Oo Bukaan socod Ahaa Sidaasi Oo Kale Ay Iyagana Ku Dhacday,

Hase Ahaatee Mid Ka Mid Ah Haweenkaasi Ayaa Muqdisho U Doonatay Fiisihii,Gabadhaasi Kolkii Ay Tagtay Safaarada Muqdisho Waxay Halkaasi Kala Kulantay Arrin La Yaableh,Kadib Kolkii La Weydiiyay Magceeda Ee Ay U Sheegtay Qoladii Safaarada,Waxa Loo Sheegay In Qofka Magacaasi Leh Fiisihii U Soo Baxay Badhtamahii Bishii Juun,Waxay Sheegtay Gabadhaasi Inay Rumaysan Kari Waayday Arintaas, Kadibna Waydiistay Qolada Safaarada xamar Inay U Hubiyaan Magaca Hooyada Iyo Nomberka Telefoonka,

Kolkii Ay Wixiiba Hubiyeen Waxay Noqotay Arrin Sax ah,Iyadoo Ay Cadaatay Inay Isku Bedel Ku Sameeyeen Shaqaalaha Safaaradda Hargaysa,Fiisahihii Gabadhaasna Cid Kale Ka Iibiyeen.

 

Gebagebadii Hooyo Nimco Abokor Waxay Sheegtay Inay Iyaduna Shakhsiyan Aaminsan Tahay In Fiisaheedii La Bedeshay,Shaqaalaha Safaaraduna Yihiin Kuwo Cunsuriyad Kula Dhaqma Dadka Ka Imanaya Gobolada Kale,Sidaasi Awgeed Waxay Xukuumadda Iyo Hay’adaha Arintaasi Khusayso Ka Codsatay In Dhibaatada Shaqaalaha Safaaradu Kula Kacayaan Dadka Muwaadinka Ah Wax Laga Qabto,

 

Lacagteedii Iyo Waraaqaheediina Laga Siiyo Safaarada Hadii Loo Diiday Fiisihii Ama Laga Bedeshay.oo laga iibsaday qof kale.

shaqaalaha ka shaqeeya safaarada waxa la iisheegay inay reerahoodii ka dhoofiyaan dalka dhamaantoodna turkiga u diraan,iyagoo ka faaidaysanaya fursadaasi.

Geesta Kale waxay intaasi ku dartay hooyo nimco:Waxaanu Madaxweynaha U Sheegaynaa Dalka Waa La Wada Leeyahay,Sidaasi Awgeed Maaha Cadaalad In Meel Kasta Dadka Ka Shaqaynayaa Noqdaan Reer Hargaysa Oo Keliyaata, Dadkii Kale Ee Gobolada Xaggay Qabteen,Hadii Hay’ad Kasta Inta Ka Shaqaysaa Reer Hargaysa Noqoto,Oo Lagu Ururiyo Oo Kooto Loogu Xidho Taasi Inama Dhaqayso Madaxweyne,Itoobiyaanka Iyo Qofka Aanad Garanaynin Kuuma Kala Soocna,Waa Nasiib Darro Meel Aad Ka Weyday Qof Aad Indha Garato,Hadaad Doonto Intooda Badan Ha Noqdaan Reer Hargaysa Iyo Reer Galbeed,Hase Ahaatee Ummaddu Shaqada Ha U Sinaato,Oo Maadaama Hargaysa Aad Nagu Tidhaadeen Waa Caasimadii Dalka Oo La Idinka Aqbalay,Dee Caasimadii Dadku Ha U Sinaadeen,Oo Dadkii Goboladu Haka Dhex Muuqdaan Meel Kasta,Hadii Kale Ka Fursan Mayso In La Sameeyo Caasimad Dadka Oo Dhammi U Siman Yihiin Oo La Wada Yeesho.

 

Cabdi Hanad Muuse Soodaani Hargaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here