Waxaanan Madaxweyne Kugula Talin lahaa inaad Wasiirka Arimaha Dibedda Maalgashiga iyo Xidhiidhka Caalamiga ah aad u Magacaabo Ambaasador Bashe Cawil Xaaji Cumar.

0
406

Halkan waxaan ka bogaadinayaa Ugana Mahad celinayaa Uguna Muujinayaa Sida aan ugu Garab taaganahay Horumarka Laxaad ka leh ee uu Sameeyay Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Amb Bashe Awil Haji Omar ee uu kasameeyay waddankii markii hore uu safiirka ka ahaa ee UAE iyo kan uu imanka Safiirka kayahay ee Kenya ba iyo guud ahaan Dadaalka xawliga ah ee uu ka galay Sidii Uu Somaliland Caalamka Ubari lahaa iyo Sida uu Somaliland ugu soo xidhay meelo badan oo muhiim u ah Somaliland oo aanay markii hore xidhiidh lalahayn
Waxaan si Gaar ah ugu bogaadinayaa xidhiidhka layaabka leh ee uu ka dhex abuuray Somaliland iyo Kenya iyo Sida uu Somalia oo beryihii udanbaysay Caadaysatay inay somaliland meelo badan kasoo xidho uu isaguna noqday baashe Cawil siyaasiga kaliya ee awooday inuu arimaahaas kajawaabo islamarkaana Somalia Si Cad uga soo xidhay Kenya oo ahayd waddan aad muhiim ugu ahayd Somalia
Waxan kaloo ambassadorka Ku bogaadinayaa Sida qiimoha leh ee uu Juhdiga Badan ugaliyay Sidii Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia ay Dib ugu Furmi lahaayeen Isagoo Ku guulaystay inuu markii ugu Horeeyay in wadahalkii Somaliland iyo Somalia Nairobi lagu qabto
Walow aanay somalia Kaqaybgalin Haddana waxaa Goobjoog ahaa oo Somaliland Weheliyay wufuud Heer Caalamiya
Natiijada ugu muhiimsan ee iigasoo baxday Fikir ahaana waxay tahay
Somalia inay aaminsantahay inaanay Kenya wada hadalka labada dhinac dhexdhexaad ka ahayn
Sidaa Si lamida Somaliland na waxay aaminsantahay Turkey wadahadalka labadan dal inaanu dhexdhexaad ka ahayn Sidaas aawadeed waa in la helaa waddan sadexaad oo labadan midna aan ahayn oo dhexdhexaadin kara Somaliland iyo Somalia
Waxaanan U arkaa amb baashe inuu Somalia kasoo afjaray wadahadalkii Turkey
Waxan kaloo Ku bogaadinayaa Muddadii uu amb Baashe Safiirka Kenya ahaa waxay Tiraba Dhawr jeer Kenya Ku sigatay inay Noqoto Wadankii 1aad ee aqoonsan lahaa Somaliland dadaal balaadhan iyo Juhdi badan oo uu kagalay awgeed

Ugu Danbayn waxan Usoo Jeedinayaa Madaxwaynaha Jamhuriyadda Somaliland Muuse Biixi
Inuu Eego oo Garto Maxaa u Dan ah Somaliland oo uu Xil Balaadhan U Magacaabo Baashe Cawil Xaaji Cumar
Waxaanan Madaxweyne Kugula Talin lahaa inaad Wasiirka Arimaha Dibedda Maalgashiga iyo Xidhiidhka Caalamiga ah aad u Magacawdo

Qasim Abdi Haaji

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here