Gabadh Soomaali Ah Oo Laga Jilay Filim Heer Caalami Ah

0
662

Gabadh Soomaali Ah Oo Laga Jilay Filim Heer Caalami Ah

Bandhig aflaanta ah oo dhawaan lagu qabtay Jamhuuriyadda Ireland ayaa waxaa lagu soo bandhigay filim magaciisu yahay ‘A girl from Mogadishu’, (Gabadhii Muqdisho) kaas oo taabanayay sheeko dhab ah oo la xiriirta Ifrax Axmed oo ah gabadh Soomaaliyeed oo u ololeysa sidii loo joojin lahaa xadgudubka gudniinka.

Magaca filimka Muqdisho ayaa u muuqdaa mid sahlan hasayeeshee waxaa uu ka hadlaya kartida iyo geesinimada banii’aadanka.

Filinka waxaa uu ku saabsan yahay taarikhda Ifrax Axmed oo ah gabadh soomaali ah oo kasoo qaxday dagaalladii Soomaaliya, waxay joogta dalka Ireland.

Ifraax markii ay gaartay Ireland waxay ogotaay dhibaatooyinkii ay ka dhaxashay gudniinka fircooniga iyo saameynta ba’an ee uu ku reebay nolosheeda, waxay arrintani ku khasabtay inay u ololeyso in gudniinka fircooniga ah aanan lagu sameyn gabdhaha.

 

Inkasta oo bulshada Ireland aysan gudin gabdhahooda, haddan Ifraax waxay dooneysaa in dadkaas ay fahmaan ‘waxa uu yahay gudniinka’ si dalka uu mamnuuco gudniinka si loo badbaadiyo gabdhaha qaxootiga ee laga yaabo in waalidkooda ay doonayaan inay kusoo gudaan dalalkii ay kasoo jeedeen.

Filimkan oo loogu magac daray ‘Gabadhii Muqdisho’ waxaa uu ka qeyb qaadanayaa wecyigelinta la doonayo in dunida looga ciribtiro gudniinka fircooniga.

Soomaalida qurbaha ku nool ayaa waxaa si weyn looga wacyigeliyaa dhibaatada gudniinka fircooniga ah, kaasoo inta badan mamnuuc ka ah dalalkaasi.

Mary McGuckian oo soo saartay filimkan ayaa waxay sheegtay in Ifraax ay joojisay ka aamusnaanta dhibaatooyinkii ay soo martay si ay u joojiso gudniinka iyadoo u adeegsaneysay sheekada nolosheeda.

.

“Waxaan aad uga helay sheekada Ifraax, waxay joojisay aamusnaanta oo inta ay nooleyd fahantay quwadda ay leedahay ka hadalka marxaladda ay soo martay kaliya ah ma ahaan si ay nafteeda ugu dhawaaqeyso balse si ay joojiso ka aamusnaanta arrin muhiim ah iyadoo isticmaaleyso sheekada nolosheeda” ayay tiri Mary.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlaya filimkan dhibaatooyinka soo wajaho dadka qaxootiga ah marka ay gaaraan dalalka Yurub sida luqadda oo ku adag.

Dad badan oo daawaday filimka ayaa soo dhaweeyay waxyaabaha uu ka hadlay balse Ifraax waxay ku rajo weyntahay in filimkeeda uu horseedi doono saameyn ballaaran oo joojinta karta gudniinka fircooniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here