Muxuu Daaran Yahay Shir Itoobiya Iyo Djibouti Uga Furmay Magaalada Cali Sabiix?

0
406

Muxuu Daaran Yahay Shir Itoobiya Iyo Djibouti Uga Furmay Magaalada Cali Sabiix?

Shir madaxeedka ay wadamada Itoobiya iyo Djibouti ka yeelanayaan xuduuda ay wadaagaan ayaa maanta uga furmay magaalada Cali Sabiix ee dalka Djibouti.

Shirkan oo wadamada Itoobiya iyo Djibouti u socon doona mudo sadex cisho ah ayaa lagaga hadli doonaa amaanka xuduuda, ganacsiga, tahriibka, caadooyinka bulshada iyoqodobo kale.

 

Agaasimaha wadamada jaarka ah iyo urur goboleedka IGAD u qaabilsan Itoobiya Yibeltal Aemero oo ka hadlay furitaanka shirkan u dhaxeeya wadamada Djibouti iyo Itoobiya ayaa ka waramay waxyaabaha ay wadaagaan labada dal iyo muhiimadu uu xidhiidhkoodu leeyahay.

Agaasime Yibeltal Aemero oo ka hadlaya shirkan u furmay labada dal ayaa waxa uu yidhi ” Itoobiya iyo Djibouti waxay leeyihiin xidhiidh xoogan oo taariikhi ah waxaanay wadaagaan luuqada, dhaqanka iyo caadooyin ay leeyihiin bulshadu, waxaanan sii xoojinaynaa wada shaqaynta aanu ka leenahay xuduuda si aanu uga hor tagno tahriibka iyo ganacsiga sharci darada ah isla markaana hubino faa,iidooyinka ay kala helayaan dadyawga labada dal.”

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Djibouti Siraj Cumar Cabdiqaadir ayaa dhinaciisa ka hadlay shirkan ay la leeyihiin dalka Itoobiya waxaanu yidhi “Wada jir ayaanu u shaqayn doonaa si aanu u sii xoojino xidhiidhka wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya anaga oo kor u qaadayna isdhexgalka dhaqaale ee labada wadan.”

Sidoo kale safiirka Itoobiya u fadhiya wadanka Djibouti Abdulaziz Mohammed oo ka hadlay shirkan u furmay labada dal ayaa sheegay in laga wada shaqayn doono arimaha sii wanaajinaya isla markaana kor u sii qaadaya xidhiidhka labada dal.

Safiirka Itoobiya u fadhiya wadanka Djibouti ayaa sidoo kale sheegay in jidka xadiidka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo wadooyinka kale ee isku xidhaya ay ka kor u sii qaadayaan isbadalada dhinaca dhaqaalaha ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here