Waa Tuma Haya Bint Xuseen: Amiraadda Ka Baxsatay Imaaraadka Carabta

0
403

Waa Tuma Haya Bint Xuseen: Amiraadda Ka Baxsatay Imaaraadka Carabta

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay warbaahinta reer galbeedka ayaa aad u hadal haysay “baxsashada xaaska Amiirka Dubai, Sheekh Maxamad Bin Raashid Ala Maktum” iyo dacwadda ay gudbisay ee ay ku codsanayso in laga furo Sheekha Imaaraadka Carabta u dhashay.

Sheekh Maxamed ayaa bartiisa Instagram soo dhigay tix uu si caraysan ugu eedeeyay haweeney aanu magacaabin oo uu sheegay inay khiyaantay.

Amiiradda ayaa la sheegay in horraantii sannadkan ay u baxsatay dalka Jarmalka halkaas oo ay magangelyo weydiisatay, kadibna ay aaday magaalada London oo ay ku leedahay guri weyn.

Amiirad Haya Bint Al-Xuseen waxay isku aabe yihiin boqorka haatan Urudun, Cabdalla Bin Al-Xuseen.

Amiirad Haya waxay ka soo jeeddaa boqortooyada Urdun, waxayn ka mid tahay lixda dumarka ah ee uu guursaday Amiirka Dubai
Image captionAmiirad Haya waxay ka soo jeeddaa boqortooyada Urdun, waxayn ka mid tahay lixda dumarka ah ee uu guursaday Amiirka Dubai

Amiiradda ayaa magangelyo ka dalbatay dalka Jarmalka, balse waxay haatan labadeeda canug kula nooshahay goob qarsoon oo ku taalla magaalada London ee dalka Britain.

Dadaallo lagu soo celinayo

Warbaahinta caalamiga ah qaarkeed ayaa sheegtay in Sheekh Maxamad Bin Rashid iyo Boqorka Imaaraadka Maxamad Bin Zayid ay u safreen Jarmalka, markay halkaas joogtay, si ay Amiirad Haya ugu qanciyaan inay noqoto balse ay ka diidday.

Noolasheedii hore

Amiirad Haya ayaa haatan ah 45 jir, waxay wax ku baratay dalka Britain, oo waxay ka soo qalanjebisay Jaamacadda Oxford, oo ah halka ay ka soo baxeen inta badan madaxda Britain iyo dunidaba.

Amiirad Haya waxay wax ku soo baratay Jaamacadda Oxford ee dalka BritainLahaanshaha sawirkaBONGARTS
Image captionAmiirad Haya waxay wax ku soo baratay Jaamacadda Oxford ee dalka Britain

Waxay isku aabe yihiin boqorka haatan ee Urdun, Boqor Cabdalla Bin Al-Xuseen, balse hooyadeed, Boqorad Calya, waxay ku dhimatay shil diyaaradeed oo dhacay 1977.

Haya bint Al-Xuseen waxay sheegtay in dhimashada hooyadeed ka dib ay aad u murugootay, oo ay joojisay inay dadka dhex-gasho, ka dibna aabaheed, Boqor Xuseen, ayaa siiyay Faras, sidaasna waxay ku noqotay qof aad uga hela fardaha iyo tartamada la xiriira.

Haya Bint Xuseen ayuu aabaheed Boqor Xuseen-kii Urdun faras siiyay iyadoo lix sano jir ahLahaanshaha sawirkaDAVID HUME KENNERLY
Image captionHaya Bint Xuseen ayuu aabaheed Boqor Xuseen-kii Urdun faras siiyay iyadoo lix sano jir ah

Sannadkii 2004-ta ayay is guursadeen Amiir Maxamad Bin Raashid, kaddibna waxay noqotay madaxa ururka fardayahannada caalamka, sannadkii 2014-ta ayay xilkaasi iska casishay 8 sano oo ay haysay ka dib.

Amiir Maxamad Bin Raashid isaga waxaa uu London ku leeyahay goobta ugu weyn caalamka ee lagu xannaaneeyo fardaha, taas oo ay ku nool yihiin 4,500 oo faras, ayna ka shaqeeyaan ilaa 1,500 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here