Xukuumadda Somaliland oo UN-ka u Gudbisay Dacwad ka Dhan ah Maamulka Hawadda ee Soomaaliya Sheegatay in lagu Wareejiyey

0
368
Xukuumadda Somaliland oo UN-ka u Gudbisay Dacwad ka Dhan ah Maamulka Hawadda ee Soomaaliya Sheegatay in lagu WareejiyeyDawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay gudbisay dacwad ka dhan ah talaabadda ay Xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya ay ku sheegatay inay Hay’adda ICAOkala wareegtay maamulkii hawadda ee Soomaaliya iyo Somalilan-ba.

 

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNAayaa soo xigatay Wargeyska East African Business Week oo ka soo baxa Uganda, oo maanta daabacay in Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar uu xaqiijiyey in dawladdaJamhuuriyadda Somaliland ay dacwad u gudbisay UN-ka, maadaama oo uuhore u jiray heshiis la kala saxeexday oo ku wajahnaa maamulka hawadda oo hore Somaliland iyo Soomaaliya ugu kala saxeexdeen magaalada Istanbuulee dalka Turkiga, hase ahaatee ay heshiis jabisayXukuumadda Muqdisho.

Waxa kaloo danjire Baashe intaas ku daray in aanay Hay’adda maamulka hawadda u qaabilsan Qarammada Midoobay ee ICAO aanay fulinin heshiiskaas jiray ee jidaynayey in wadajir loo wada maamulo isla markaana ay gacanta ku hayso Hay’adda ICAO.

Cumar Maxamed Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here