Ciidamadii Puntland Ee Ku Sugnaa Deegaanka Tukoraq Oo Ka Dareeray Goobtii Ay Degenaayen + Sababta.

0
341

Ciidamadii Puntland Ee Ku Sugnaa Deegaanka Tukoraq Oo Ka Dareeray Goobtii Ay Degenaayen + Sababta.

Ciidamadii Puntland Ee Ku Sugnaa Deegaanka Tukoraq Oo Ka Dareeray Goobtii Ay Degenaayen + Sababta.

Burco  (Qoryaalenews)-Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo cadheysan Ayaa La Sheegay Inay  gaadheen magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

 

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isaga soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen aaga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyeen Ciidamada Qaranka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gadood dartiis uga soo baxeen deegaankaasi oo ay in muddo ah iska hor fadhiyaan  Somaliland iyo Puntland.Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhowr bilood oo xiriir ah aysan helin wax mushaar ah,Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda Puntland oo ku aadan arrimaha ciidamadaasi.

Puntland muddo fog ciidamadeeda waxa ay ka cabanayaan mushaar la’aan, waxaana marar badan gadood ay ka sameeyeen magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Arrintan ayaa xoogeedu waxa ay soo bilaabatay xilligii xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo haatan meesha ka baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here