Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Dalka Kusoo Guryo Noqonaya Iyo Soo Dhoweyntiisa Oo Siweyn Looga Dareemaayo Magaalada Hargeisa

0
482

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Dalka Kusoo Guryo Noqonaya Iyo Soo Dhoweyntiisa Oo Siweyn Looga Dareemaayo Magaalada Hargeisa.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Dalka Kusoo Guryo Noqonaya Iyo Soo Dhoweyntiisa Oo Siweyn Looga Dareemaayo Magaalada HargeisaWaftigii uu Hogaaminayay Madax-waynaha Somaliland Muse Bixi Abdi ee ku sugnaa Wadanka Gini Ayaa la filayaa in ay maanta dalka dib ugu soo noqdaan , intii uu madax-waynuhu ku sugnaa dalkaasi waxaa la sheegay in ay kulamo la qaateen madax-waynaha Jamhuuriyada Gini 

inkasta oo aan lala wadaagin warbaahinta iyo Bulshada sawirada iyo muuqaaladii kulanka labada madax-wayne , Balse wasiirka arimaha dibada somaliland Ayaa sheegay in ay is arkeen labada madax-wayne oo ay arrimo badan kawada hadleen.

Safarkan uu madax-waynuhu ku tagay dalkaasi Gini waxa uu socdaalladii hore kaga duwan yahay in uu noqday kii ugu hadal haynta badnaa , kaasi oo sababay in dawlada somalia ay xidhiidhka u jarto Wadankaasi Gini , Arrintaasi oo ay siwayn u qaadaa dhigeen Warbahinta caalamku.

Image may contain: 1 person, smiling, standing and outdoor

Image may contain: 1 person, standing

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here