Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Taageersan Yahay In Somaliland Dawlad Madax Bannaan Loo Aqoonsado, Kana Hadlay Safarka Biixi Ee Dalka Ginni.

0
423

 

“Dal Kale Oo Somaliyeed Oo Dunida Laga Aqoonsan Yahay Guul Weyn Ayay U Tahay Umada Somaliyeed”. Mustafe CagjarMadaxweynaha maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafa Muxumed Cagjar ayaa si cajiib ah uga hadlay safarka uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalka Gini.

Madaxweyne Cagjar ayaa si weyn u soo dhaweeyay safarkaasi, isagoo xusey inuu aad ugu faraxsanyahay aqoonsi ay Somaliland ka hesho dalalka caalamka.

Cagjar ayaa guul weyn ku tilmaamay in dal kale oo Soomaaliyeed oo dunida laga aqoonsan-yahay uu u soo biiro umada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna ku yidhi “Walaaleheen Somaliland inay dunida la macaamilaan kana helaan aqoonsi aad baanu ugu faraxsanahay, dal kale oo somaliyeed oo dunida laga aqoonsan yahay Guul weyn ayay u tahay umada somaliyeed”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here