Akhri Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlaya Kulan Gaar Ah Oo Ay Wada Yeesheen Madaxweynaha Dalka Ginni Iyo Balanqaad Ka Farxiyay Shacabka Somaliland Oo Ay Ku Kala Yimaadeen.

0
367

Madaxweynaha Dawladda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kasoo laabtay booqasho Shalay uu ku tagay dalkaGuinea ayaa ka warbixiyay safarkiisa iyo sidoo kale guulaha ay Dawladda Somaliland kasoo gaadhay safarkaasi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladaGuinea si weyn usoo dhaweysay , waxa uuna xusay in Madaxweynaha Guinea uu ka garaabay arintooda, isagoona intaa raaciyay in dowlada Guinea gudoonsatay in qaddiyada Somaliland hor geyso Midowga Afrika.

“Dawladdii aanu u tagnay si weyn bay noo soo dhaweysay, waxaanay gudoonsatay inay qaddiyadeena keento AU, Madaxweyne Alphana waa ka garaabay hiilna waa ku haystaa Afrikada galbeed waxay doonaysaa arrintaa inay gudagasho, ninka arrintaa galay Diinta islaam uun baa na kulmisa iyo diirkaa madow, isku af ma nihin Faransiis bay ku hadlaan, Ingiriisi baynu ku hadalnaa, isma gaadhno isma dhex galno kaynu dhiig iyo dhaqan, toll, seedi, xidid ahayna waxaas buu inoo quudhay bal kawrama labadaa caqli” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xili booqashada uu ku tagay Guinea ay dhalisay hadal heyn badan iyo cadho ka timid Maamulka Muqdisho oo ku dooda in Somaliland maamul ahaan ka tirsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here