Warbaahinta Turkigu Sidee Ayey Wax uga Qortay Somaliland

0
383
Warbaahinta Turkigu Sidee Ayey Wax uga Qortay SomalilandWakaaladda WararkaAnadolu ee Dalka Turkiga ayaadaabacday war-murtiyeedkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland kagajawaab celisay hadalkii ka soo yeedhay Dawladda Maqaarsaarka ee Soomaaliya oo sheegatay inaycilaaqaadkii u jartay dalka Guinea, kadib markii Weftigii Madaxweynaha Somaliland loogu soo dhaweeyey magaalada Conakry ee caasimadda Jamhuuriyadda Guinea meeqaamkii u sareeyey.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay Warbixin ay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ay ka qortay Somaliland, waxaanay sheegtay in Somaliland oo aan wali la aqoonsani ay ku tilmaantay go’aanka ka dhanka ah Guinea eeka soo yeedhaydawladda Soomaaliyauu yahay ficilcadowtinimooo ka dhan ah dalalka Somaliland xidhiidhka la leh ee ay Kenya ka mid tahay.

 

Wakaaladda Wararka ee dawladda Turkigu waxay werisay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL ay ugu baaqday beesha caalamka inay dhegaha ka furaystaan dhawaaqyada ka soo yeedhay Soomaaliya oo ay sii wadaan xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxay caddeysayin Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal koraya oo ay ku nool yihiin 10 kun oo qof oo Kiiniya u dhashay isla markaana ay ku sugan yihiin dad kale oo u kala dhashay dalalkaTurkiga, Yeman iyo Hindiya isla markaana ay Somaliland ku dedaalayso inay kasbato maalgashiga caalamiga ah.

Cumar Maxamed Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here