Daawo:(Sawiro) Jabhada Koneyl Caare Oo Laba Oday oo Waayeel Ah Ku Dishay Deegaanka Dararweyne

0
475

Daawo:(Sawiro) Jabhada Koneyl Caare Oo Laba Oday oo Waayeel Ah Ku Dishay Deegaanka Dararweyne,

Jabhada Koneyl Caare Oo Dishay Oday Waayeela

Jabhada Uu Jogaaminaayo Korneyl Caare Oo Dhowaan Kusoo Duushay Beel Kamida Beelaha Dega Deegaanka Ceel-afweyn,Ayaa Qudha Ka Jartay Oday Waayeela Oo Aan Waxba Galabsan 
Korneyl Caare Oo Wax Laga Weydiiyey Sababta Ku Kaliftay Inuu Laayo Dadkan Ayaa Ku Andacooday,Inay Jirto Jabhad Kale Oo Kasoo Jeeda Beesha Biciide Isla Markaana Uu Dagaal Adag La Geli Doono Beeshaasi,
Korneyl Caare Ayaa Yidhi”Mar Hadii Boqor-buur Madow Samaystay Ciidan Beeleed Waxaa Waajib Igu Ah Inaan La Safto Beeshayda Sacad Yoonis Oo Aan Difaaco,Maanta Kadib Waxaan  Noqon Doona Nin La Safan Beeshiisa”
Korneyl Caare Oo Ah Hogaamiyaha Jabhada Lagu Magacaabo Dulmi Diid,Ayaa Hore Uga Goostay Ciidanka Qaranka Somaliland Waxaanu Gacan Saar Dhow La Leeyahay Maamulka Puntland,
Dagaalkan Cusub Ee Uu Ku Dhawaaqay Korneyl Caare Ayaa Dabka Kusii Shidi Doonta Shaqaaqada Ceel-afweyn,Balse Waxaa Laga Dhur Sugaya Talaabada Ay Ka Qaado Xukuumada Somaliland 
Image may contain: one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here