Madaxweyne Farmajo Iyo Uhuru Oo Isku Arki Doona Addis Ababa, Maxay Tahay Ujeedada Kulankoodu, Yaase Ka Danbeeya Kulankooda (Ogow Sababta?).

0
305

Madaxweyne Farmajo Iyo Uhuru Oo Isku Arki Doona Addis Ababa, Maxay Tahay Ujeedada Kulankoodu, Yaase Ka Danbeeya Kulankooda (Ogow Sababta?).

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Madaxweyne Farmajo uu 13-ka Bishan u Safri doono Dalka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Dalka KenyaUhuru KenyattaiyoRW Itoobiya Dr.Abiy Axmed.

Ujeedada Socdaalka ayaa waxaa ayjariidada Standard ee Kenya ay shaacisayin safarka uu salka ku hayo sidii dacwadda Badda ee labada dalka ka dhexaysa looga wada hadli lahaa, isla markaana wada xaajood lagu dhameeyo kiiska dacwada intii la isla tagi laha Maxkamadda, waxaa lagu wadaa in Labada Madaxweyne ee Kenyatta iyo Farmajo ay qori doona waraaq wadajir ah oo ku socota Maxakamadda Caalamiga oo lagu codsanayo in dacwadda dib loo dhigo muddo, taas oo sabab looga dhigayo in mar kale Kenya iyo Somaliya ka wadahadlaan arintan Badda islamarkaana wadahadal ay ku dhamaystaan iyadoo loo badinayo inuu Farmaajo ka tanaasulo arintaasi oo uu u fasaxo Kenya si uu dano kale uga dhamaysto.

Haddaba arrintaas maxaa ka dhalan doona?

  1. Galka dacwada oo muddeysan kuna saf ah dacwooyinka sida degdeg ah loo qaaday 1-5 sano (Fast Track cases), ayaa laga saari doonaa safka uu hadda ku jiro waxaana la geyn doonaa bannaanka mar haddii safka laga saaraana waxaa laga yaabaa inuu qaato si loogu soo celiyo 7-15 sano amaba waligeed lagu soo celin.
  2. Waxaa jirta marin habaabin ah in dacwadda lagu sheego in lala soo noqonayo dacwadda. Waa been oo lalama soo noqon karo, laakiin waxay kuwa is dacweynayaa oo hadda ah Soamliya iyo Kenya wada jir u codsan karaan in dib loogu dhigo muddada ku dhawaaqida go’aanka Maxakamadda si ay u soo wadahadlaan mar kale, waana halka ay khiyaanadu ka jirto taas oo ay Kenya wadato waddamo kalana ay ku kaalmeynayaan, reer Farmajana ay ka dhaga la’yihiin.

Taariikh Kooban oo arrinta Badda Ku saabasan iyo sidee halkaan ku nimid.

Waxaa Kenya ay Soomaaliya u hoos gelisay oo loo saxeexay MOU waxaana si Sharaf leh u tuuray Barlamankii sagaalaad oo maanta mahadi haka gaadhee haddii uu joogi lahaa aan laga cabsi qabeen in la fashiliyo dacwada xaqiijinta baddannada- Ogaada dacwadda ma ahan soo celin bad la qaatay ee waa u xaqiijin Kenya iyadoo caalamka uu marqaati ka yahay inaan badannada leenahay difaacneynana waxkasta ha nagu qaadatee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here