Mudane Madaxweyne Muuse biixi cabdi Waxaa ku doortay waa shacab Saboola Xaqna uma laha yadoo aanad wali daboolin baahiyihii Biyaha Ee aad ku balanqaaday

0
367

Xukuumadii Xisbiga Udub Ee Uu Hogaaminayey Mudane madaxweyne Daahir rayaale kaahin Waxay ahayd mid Awood ahaan gaadhsiisay Dalka Intii ay xilka qaranka hayeen Biyo wax kataraya baahidooda in kasta oo aanay daboolin Baahida Biyaha Ee ka jirtay dalkeena,

Waxaana jiray Kacdoono shacab oo sabab U ahaa in aanay dawladu heyn dhaqaale lagu hirgaliyo Barnaamijyada Biyo soo saarka Ee Dalka Si Magaalooyinka iyo Deegaanada Dalka loo gaadhsiiyo Biyo ku filan.

Shacabka Magaalada burco waxay ahaayeen Awoodii Ugu adkayd Mucaaradnimo Ee Xukuumada ku ahayd Caqabad aanay ka gudbi Karin,shacabka Magaaladu Si buuxda umay wada Bixin jirin Cashuuraha ku waajibka iyo Dhaqaalaha lagu gaadhsiiyo Adeegyada dawlada Oo ay kamid tahay Adeega Biyaha Oo wakaalada biyaha burco Ay Gaadhsiin jirtay Xaafado kooban Oo Magaalada kamida ah Xilligaas.Waxaana Kacdoonada shacabka Ka danbeeyey Xisbiga kulmiye Oo ahaa Xisbigii lagaga guuleystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Dalka ka dhacday Sannadkii 2003’dii Waxayna Xukuumada Ku kiciyeen kacdoono shacab Oo sabab U noqday In aanu Madaxweyne Daahir rayaale Socdaalo ku tagin Magaalooyinka Dalka qaar kamida Intii Uu Xilka hayey.

Tixgalinta Aragtida Shacab iyo Mucaarad Ee Uu Madaxweyne Daahir rayaale Muujiyey Waxay Noqotay mid ay Mucaaradka iyo shacabku Ay Haayadaha dawlada ka awood bataan waxaynu Si Cad U diideen Bixinta Cashuuraha,Cashuuraha ayaa ah dhaqaalaha ugu balaadhan Ee Xukuumadihii u kala danbeeyey Jamhuuriyada Somaliland Ay ku dhisaan kaabayaasha dawladnimo Kuna gaadhsiiyaan shacabku Adeegyaday u baahan yihiin.

Waxqabad la’aantii Xukuumada Xisbiga Udub Ee ay Sababta U ahaayeen Mucaaradka iyo shacabku waxay Fursad U noqotay Hogaamiyihii Xisbiga Kulmiye Ee Xilligaasi ahaana Madaxweynihii 4aad Ee Dalkeena Mudane Axmed Maxamed (Axmed Siilaanyo) Inuu Albaab Walba Oo Dunida iyo Dalka gudihiisaaba Uu kasoo Xidho Xukuumadii Xisbiga Udub Isagoo Ku dhaliili jiray inay Tahay Xukuumada fadhiida Oo aan shacabkeeda waxba U qaban.

=> Xukuumadii Xisbiga Kulmiye (2010 ilaa 2017) Iyo Doorkeedi Adeegyada Biyaha

8 Sanno Oo Halgan Mucaaradnimo ah Waxay Shacabka Jamhuuriyada Somaliland Codkooda ku doorteen Doorashadii Madaxtooyada Ee Sannadkii 2010’kii Inuu Xisbiga Kulmiye Hogaamiyo 5 sanno Ee Soo socota,Waxay shacabku la dhacsanaayeen Aragtidii iyo Barnaamij Siyaasadeedkii Xisbiga kulmiye Oo taabanayey Shacabka Jamhuuriyada Somaliland.Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye waxaa horyaala Inuu Fuliyo Barnaamijkii Uu shacabka Hor keenay uuna ka dhabeeyo Aragtidiisi Ahayd wax uqabadashada dadkiisa

Madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed siilaanyo) 7 sanno Oo Uu Xilka Qaranka hayey 5 Sanno Oo Dastuuriya Iyo 2 Sanno Oo muddo kordhina Maxaa ka fulay Siyasaadiisi Biyaha Ee Dalka ?.Sida Ku qoran Buuga Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye Ee 2017 ilaa 2022 waxay Sheegeen In ay Xukuumadii hore Ee kulmiye Intii U dhaxeysay sannadihii 2011’kii ilaa 2017 Dalka ay ka qodeen 200 Oo Ceel biyood balse Xukuumadihii ka Horeeyey laga soo bilaabo Sannadkii 1960’kii ilaa 2010’kii ay Dalka ka qodeen 174 Ceel biyood kana dhigan In Muddo 6 sanno ah lagu Sameeyey Horumar Wanaagsan Oo dhanka biyo soo saarka ah Waxaana Barnaamijyadaa lagu horumarinayo Biyaha iska kaashanayey Xukuumada,Haayadaha caalamigaa,shirkadaha Dalka iyo Ganacsatada. Waxayna sheegeen in Barnaamijyadaa Biyaha laga sameeyey Magaalo Madaxyada 6 gobol Ee Jamhuuriyada Somaliland ka kooban Tahay iyo Deegaanada hoos yimaada.

Wakaalada Biyaha Burco waxay kamid ahayd Haayadihii Barnaamijyadaasi ka faa’ideysatay waxayna Biyo balaadhin,Dibu habeyn iyo qodista Ceel biyoodyo ka sameysay Guddaha Magaalada Waxaana dhaqaalihii ku baxay iska kaashaday Xukuumada iyo Shirkada Somaliland Beverage Industries Coca cola (SBI), Barnaamijkaasi Wuxuu noqday Mid shacabka Magaaladu ay kawada Faa’ideystaan.waxayna kamid ahayd Balanqaadyadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo shacabka Reer Burco Uu Fagaaraha uga balanqaaday Ee Uu fuliyey.

Waxayna wakaalada Burco shacabka ay ku gaadhsiisay Adeega Biyaha Qiimo dhan Halkii kalcab (1 Meter Cubic) Inuu yahay (8,925.0 SL SH).Tusaale ahaan hadii ay Xaafad kamida Magaalada Burco Bishii ay Cabaan 8 Kalcab (Meter Cubic or Unit) waxay ka dhigan Tahay In xaafadaa laga cabay Bishaa Biyo Qiimahoodu Uu yahay (8 Kalcab X 8,925.0 SL SH Oo ah Qiimaha Biyaha lagu IIbiyo = 71,400 SL SH) Mana jirin wax cashuura Oo la dulsaari jiray Biyaha shacabka ay wakaaladu ka iibiso.Muwaadinkuna Wuxuu Bixiyaa waxay saacada Biyaha Ee Gurigiisi ay Soo qorto dhamaadka Bisha .

=> Xukuumada Xisbiga Kulmiye (2017 ilaa 2022) Iyo Doorkeedi Adeegyada Biyaha

Waxay mar labaad Shacabka jamhuuriyada Somaliland U doorteen Inuu Xisbiga Kulmiye Hogaamiyo 5 sanno Ee Soo socota Doorashadii Dalka ka dhacday Sannadkii 2017’kii waxaana Musharax Madaxweyne ka ahaa Mudane Madaxweyne Muuse Biixi cabdi Oo noqday Madaxweynihii Shanaad Ee Jamhuuriyada Somaliland Soomara.Aynu Dib Usoo Xasuusano Qodobadii ku jiray Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye ku olaleynayey Ee 2017 ilaa 2022 iyo Waxa ka fulay Siyaasadii Horumarinta Biyaha Ee Xukuumada Cusub.

=> Siyaasada Biyaha Ee Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye 2017 ilaa 2022 Maxaa Ku qoran ?

1.3.1 Maamulka iyo Siyaasadaha Khayraadka Biyaha

1.Waxa uu kobcin doona awoodda waxqabad ee wasaaradda khayraadka biyaha iyo wakaaaladaha biyaha magaalooyinka somalilnad

2.waxa uu samayn doonaa hannaan isku xidhan oo lagu soo saarayo biyaha dhulka hoostiisa ku jira ,gaar ahaan meelaha Dalka kamid ah ee biyuhu ay ku yar yihiin,isagoo sidoo kale ka qodi doona ceelal dhaadheer meelaha ku haboon

3.Waxa uu sameyn doonaa nidaam isku xidhan oo lagu tashiilayo laguna maamulayo khayraadka biyaha ee Dalka

4.waxa uu dhiirigalin doonaa dhawrista meertada biyaha iyo deegaanka saacida sida buuraha,kaymaha,dooxyada, laagaha,harooyinka iyo badda.

1.3.2 Xoojinta tayada wax soo saarka Khayraadka Biyaha
1.Waxa uu qodi doonaa (Xukuumada Xisbiga Kulmiye) 350 ceel biyood Oo cusub Shanta gu’ ee soo socda ,waxaaan muhiimada koowaad lasiin doonaa gobolada biyo yaraantu ka jirto.

2.Waxaa uu dhisi doonaa 5 biyo xidheen oo waaweyn oo cusub marka lagaadho Sannadka 2022

3.Waxa Uu qodi doonaa 50 balli oo cusub marka lagaadho Sannadka 2022

4.Waxa uu dhammaystiri doonaa nidaamka biyo balaadhinta caasimada hargeysa, dadweynaha caasimadu waxay heli doonaan dhamaantood biyo ku filan oo nadiif ah.

5.Waxa Uu kor u qaada doonaa qalabka iyo tiknoolajiyada dalku kaga faa’ideysanayo qabashada biyaha roobka soo saarista biyaha dhulka hoostiisa iyo ka manaafacaadsiga guud ee biyaha.

FG; Qoraalkan Sare Ee Ku saabsan Siyaasada Biyaha Xisbiga kulmiye waxaad ka Akhridaan Boggaga 31aad iyo 32aad Ee Buuga Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye 2017 ilaa 2022.

=> Buuga ‘’Hilaadshe’’ Ee laga qoray Waxqabadka Xukuumada Ee 120 Cisho Siyaasada Biyaha Muxuu Ku qoran ?

Dib Aynu Indhaha Usoo marino Baalasha Buuga Hilaadshe Ee laga qoray waxqabadkii Xukuumada Cusub Ee Uu Hogaaminayo Mudane madaxweyne Muuse Biixi wixii u qabsoomay 120’kii Cisho Ee Ugu Horeeyey Muddo xileedkiisa Dastuuriga.Maxaa Laga Qabtay Siyaasadii Biyaha Ee ku jirtay Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye 2017 ilaa 2022.Cutubka 4aad Ee Buuga Qodobkiisa Arrimaha Bulshada Boggaga 34aad iyo 35aad Waxaa Ku qoran Wasaaradda Horumarinta Biyaha Waxqabad ay sheegtay inay Dalka ka sameeyeen Laakiin aan warbaahinta laga arag xadhig ka jaristooda. Laguma xusin Inay Xukuumadu ka faa’ideysatay Biyo roobaadkii Xilliga Gu’ga in kastoo ay gobolada ku kala badnaayeen xadiga roobka Ee helay balse taasuna waxay Cadeyn u Tahay inay durba ku fashilmeen Qodabadii ugu Horeeyey Ee Siyaasada Biyaha Dalka Oo dhan Ee Barnaamijkooda.

Buugaagta lagu qoro waxqabadka xukuumada Ee Siyaasada biyaha iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye Marnaba laguma sheegin in Cashuur la dulsaarayo Biyaha shacabka ay Wakaaladuhu adeeg ahaan uga iibiyaan lana kordhinayo Qiimaha Biyaha ay ku iibiyaan.

=> Kordhinta Qiimaha Adeega Biyaha Wakaalada Burco iyo Cashuurta Wasaarada Horumarinta Biyaha

Waxaynu Qoraalka Sare kusoo Xusnay In wakaalada Biyaha Ee Magaalada Burco ay shacabka ku gaadhsiin jirtay Xilligii Xukuumadii Uu Hogaaminayey Mudane madaxweyne Axmed Siilaanyo Adeega Biyaha Qiimo dhan Halkii kalcab (1 Meter Cubic) Inuu yahay (8,925.0 SL SH) Manay jirin Wax Kordhina Oo lagu sameeyey Qiimaha Biyaha iyo Cashuuraba Intii Uu joogay balse Xukuumada Cusub waxay Bishan JULY (7aad) Ee Sannadkan 2019 Bilowday Inay qiimaha Biyaha Ee Wakaalada Burco kordhiso waxayna ka dhigtay Qiimo dhan Halkii kalcab (1 Meter Cubic) Inuu yahay (10,476.2 SL SH) waxaana lagu kordhiyey Qiimo dhan (1,5512 SL SH)

Waxaa kale Oo Ay Wasaaradda horumarinta Biyaha iyo Wakaalada Biyaha Burco kusoo Kordhiyeen Adeegii Biyaha Ee Shacabka lagaadhsiin jiray cashuur dhan 5% Oo lagu Magacaabo Cashuurta Iibka (Sales Tax ) Una dhiganta Lacag dhan ( 2,619.05 SL SH) Waxayna Noqonaysaa Lacagta lagu kordhiyey Adeega Biyaha Ee Magaalada burco (Qiimo kordhinta wakaalada 1,5512 SL SH + Cashuurta Wasaarada Horumarinta Biyaha 2,619.05 SL SH = Wadarta la kordhiyey Waa 4,170.25 SL SH)

No photo description available.

Waxaana intaa U dheer shacabka In Cadaadis lamida ama ka daran ka shirkadaha gaarka Ay Wakaaladu ku heyso shacabka Haddii ay Si deg dega u Bixin waayaan Dhamaadka Bisha lagacaha lagu leeyahay yadoo aanay shacabku isku xaalada iyo Nolol ahayn laga jarayo Biyaha Dawladu leedahay, Waxaana la odhan karaa Wakaaladu waxay noqotay shirkad gaar loo leeyahay (private sector) Isbadeladan shacabka culuska ku ah waxay ka yimaadeen Wasaarada horumarinta Biyahay Oo Fulinaysa Siyaasada Xukuumada Dhexe Ee Uu hogaaminayo Mudane Madaxweyne muuse biixi Oo aan Barnaamijkiisa Siyaasadeed Ee lagu doortay aanay ku jirin In Adeegyada Biyaha lasaari doono Cashuuro.Cashuurtan Ayaa Si cad U baalmarsan Nidaamka Cashuuraha Ee Wasaarada Maaliyada Oo yadu xaq dastuuriya U leh inay Soo dajiyo Nidaamyada cashuureed Ee laga hirgalinayo Dalka.waxaan halka kamuuqda Hab aan sharci ahayn inay cashuurtani kusocoto.

Mudane Madaxweyne Muuse biixi cabdi Waxaa ku doortay waa shacab Saboola Xaqna uma laha yadoo aanad wali daboolin baahiyihii Biyaha Ee aad ku balanqaaday barnaamij siyaasadeedkaagi lagugu doortay in ay Haayadaha horumarinta biyaha Ee Xukuumadaadu Ay ku kordhiyaan Qiimaha biyaha Oo ay Cashsuurana dul dhigaa maaha wax laydinka fadhiyey. Horta waxqabta aad kordhisaane.

Alla Mahad leh

Sakariye Cabdikariim Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here