War Deg Dega : Jabhada Caare Iyo Maleeshiyaad Hubeysan oo Saaka Weeraray Degaanka Yube oo Ay Ku Sugnaayen Ciidanka Qaranka

0
358

War Deg Dega : Jabhada Caare Iyo Maleeshiyaad Hubeysan oo Saaka Weeraray Degaanka Yube oo Ay Ku Sugnaayen Ciidanka Qaranka.

Jabhada Caare Iyo Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka weerar Ku Soo Qaaday Deegaanka Dhoob oo Ka Tirsan Deegaanka Yube ee Bariga Gobolka Sanaag

 Jabhada Caare Iyo Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka weerar Ku Soo Qaaday Deegaanka Dhoob oo Ka Tirsan Deegaanka Yube ee Bariga Gobolka Sanaag
Isla-markaana is rasaaseyn cabbaar socotay ka-dib hadda ayuu dagaalkii istaagay. Ka-dib markii la jebiyey janhaddii caare iyo maleeshiyaadkii la socdayba.
Qof ka mid ah Dadka degaanka ayaa u xaqiijiyay Burco-online, in dagaalka oo ku beegnaa aroortii hore ee saaka uu istaagay iminka. waxaana la sheegayaa in kooxda Maleeshiyada ah loo geystay Khasaare baaxad weyn,
waxaanay ciidamada Qaranku gacanta ku soo dhigeen laba baabuur oo nooca tiknikada ah, halka ay laba kalena ka gubeen, waxaa iyadana la soo qabtay 17 maxbuus,
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco shebakada Wararka ee Burco-online.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here