“Doorkii Guurtidu Waa Uu Maqan Yahay, Kii Golayaashu Waa Uu Maqan Yahay, Kii Madaxweynuhuna Waa Uu Maqan Yahay”

0
438

“Doorkii Guurtidu Waa Uu Maqan Yahay, Kii Golayaashu Waa Uu Maqan Yahay, Kii Madaxweynuhuna Waa Uu Maqan Yahay”

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), ayaa si adag uga hadlay xaalada colaadeed ee ka soo cusboonaatay Ceel-afweyn, waxaanu xukuumada iyo golayaasha ku dhaliilay in ay guud ahaanba doorkoodii ka gaabiyeen.

Xildhibaan Dheeg oo ka mid ah guurtida Somaliland isaga oo la hadlaayay shabakada Hadhwanaag waxa uu xalka labada beelood ee dagaalamay uu ku tilmaamay inuu yahay in gacanta la saaro kooda dagaalka bilaabay, si loo xakameeyo dagaalka soo noqonoqday. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay ” Waxa soo celcelinaya shaqo iblays iyo shaqo munaafaq iyo dad alle naarta u qoray ayaa ka shaqaynaaya waxaan ka soo horjeedaa dadka yidhaahda baaq ayaan u draynaa, inta dhimatay alle hawnaxariisto, inta dhaawacantayna alle ha shafiyo, waxaan leeyahay intii idinka dhimatayna waa ehlu naar kuwa aad odhanaysaan dilana waa ehlu naar miidhan. ” xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi” Ma bogsanayso ilaa wacadkii la dhigtay qolada jabisay dawlad,dibad iyo shacaba aad gacanta wada saartaan,oo ay yidhaahdaan imika ayaanu toobad keenay ee naga daaya ilaa taas la helana ma joogsanayso. Inaga oo alle caasinay ayaynu wax dooranaynaa waxaynu dooranaynaa ka inoogu liita bal deegaanadeena iyo salaadiinteena eeg iyo wax alle iyo waxa madax maanta sheeganaaya reer walba intii wanaagsanayd ee aaminka ahayd ee la aaminayay ee hadalkoodu uu runta ahaa gurigooda ayay iska fadhiyaan kaas khamriga cabaaya ee qaadka cunaaya ayaa rag iska celinaaya codka siiya ma kuwaas ayaa madax wanaagsan helaaya, ”

Xildhibaanka ayaa sheegay in nidaamka dawladnimo uu xaalad adag ku sugan yahay ” Guurti hadmaa ugu danbaysay markii Ina Sheekh Madar iyo Joogeen ragii raga ahaa Sheekh Jaamac Saba Joogay Ina Goodaad ee Xaaji Cabdi Joogay ayay guurti ahayd, xaaji Cabdigaas maanta dhintaa guurti noogu danbeeyay, haysku halaynina guurti, doorkii Guurtidu waa uu maqan yahay kii golayaashu waa uu maqan yahay, kii madaxweynuhu waa uu amqan yahay alle ayaa halkaas ina dhigaye sidiina isaga tashada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here