Qaraxa Kismaayo : Dad Badan Oo Laga Badbaadiyay Hotel Cascaseey

0
418

Qaraxa Kismaayo : Dad badan oo laga badbaadiyay hotel Cascaseey

Illo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in badan laga badbaadiyay Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo, halkaas oo ay weli gudaha ugu jiraan rag hubeysan oo xarakada Alshabaab sheegtay in ay iyaga ka tirsanyihiin.

Ciidamada ammaanka ayaa inta badan aslaaxiyay qolalka iyo qeybaha hoteelka, waxaae la sheegay in raga hubeysan ay ku jiraan qeyb sare oo qol shub ka samaysan ah oo uu hoteelka leeyahay.

Dadka lasoo badbaadiyay waxaa ka mid ah odayo dhaqameedyo magaalada u tagay hawlaha doorashada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland weli kama uusan hadlin waxa dhacay, balse illo wareedyo ay BBC-da heleyso ayaa sheegaya in uu socdo shir guddiga amniga Jubbaland, kuwaas oo war kasoo saari doona weerarka.

Magaalada Kismaayo ayaa ahayd meesha ugu amniga badan guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, waxaana aad u yaraa qaraxyada iyo dilalkii ka dhacayay qeybaha kale ee dalka.

Qof xog ogaal ah oo qariyay magaciisa ayaa BBC-da u sheegay in magaalada gudaheeda ay jireen illaa 15 bar koontarool oo ay ciidamada ku baaraan gaadiidka iyo dadkaba, sidaasi oo ay tahay ayuu gaariga qaraxa gaaray bartamaha magaalada, halkaas oo uu ku qarxay casar gaabadkii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here