Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Dedaal Ugu Jira Inuu Addis Ababa Isugu Geeyo Uhurru Kenyatta Iyo Farmaajo

0
331
Raysalwasaaraha Itoobiya Oo Dedaal Ugu Jira Inuu Addis Ababa Isugu Geeyo Uhurru Kenyatta Iyo FarmaajoRaysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, ayaa dedaal ugu jira inuu bishan mar kale kulansiiyo Madaxweynayaasha Kenya Uhurru Kenyatta iyo Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Wargeysyada Kenya ayaa daabacay in Farmaajo iyo Uhurru ay Addis Ababa ku kulmi doonaan 13 bishan julay si ay uga wada hadlaan khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee ka dhashay muranka dhinaca badda ee labadaas dal u dhexeeya.

Dr. Abiy oo wakhtigan ah gudoomiyaha ururka IGAD ayaa dedaal ugu jira inuu kulansiiyo Farmaajo iyo abiye, laakiin waxaana kalsooni badan lagu qabin kulanka labada dhinac ee Addis Ababa iyo natiijo togan oo ka soo baxda, iyadoo hore loo ogaa in Dr. Abiy uu labada madaxweyne ee Kenya iyo Soonaaliya isugu geeyay Nayrobi balse aanu kulankaasi noqon mid midho dhalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here