Ururka Midnimada Beellaha Direed Oo War Ka Soo Saaray Dagaalada Labada Beelood Ee Ceel Afweyn

0
356

Ururka Midnimada Beellaha Direed Oo War Ka Soo Saaray Dagaalada Labada Beelood Ee Ceel Afweyn

Ururka midnimada beelaha Direed ayaa baaq culus ka soo saaray colaada labada beelood ugu dhaxaysa degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

 

Ururkan ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxay nabad ugu baaqeen labada beelood ee mudada dheer ay dagaaladu ku dhexmareen degmada Ceel Afweyn, waxaanu baaqoodu u dhignaa sidan:-

 

Salaadiinta, Boqorada, Ugaasyada, Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Aqooyahanka, Saraakiisha, Culumaa-udiinka, Dhalinyarada iyo Haweenka beelweynta Direed ee ku bahoobay Ururka MIDNIMADA Direed (UMD) waxay baaq nabadeed u dirayaa walaalaha wada dhashay ku dagaalamaya degaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Waxan leennahay walaalayaal caqligu ha shaqeeyo oo aakhiradiinna utudha. Kan wax dilay iyo kan la dilayba cadaab bey muteysanayaan, adduunyadana midkiinna guul uu ku faano gaadhimaayo.

Isweydiiya maxaad ka gaadheysaan dagaalkaas oo aan ahayn: carruur agoomowda, dumar asay qaaday, hooyooyin iyo ayeeyooyin baroorta, waalid goblama, iyo qaar badan oo idinka mid ah oo naafooba.

Mana kala guuri doontaan abidkiin! Waxaan foolxumo iyo gunnimo ahayn oo laga dhaxlayaa ma jiraan ee joojiya dagaalka!

Maanta gar la qaadi maayo ee waa in si shuruud la`aan ah xabadda loo joojiyaa oo la baajiyaa dhiig iyo dhagar sii socota.

Ciddii qabsoomi weyda ee aanan degdeg hubka u dhigin, waa in si wadajir ah, xukuumad iyo shacbi, meel looga soo wada jeestaa. Waa in xabsiyada laga buuxiyaa qof walba oo lagu tuhmo in uu si uun haba yaraatee ugu lug leeyahay dhiirrigalinta, taageerada iyo kaqeybgalka dagaalka iyo colaaddan soo jiitantay muddada dheer.

Ma aha in milalka dusha laga dhayo, ee waa in gunta iyo xiddiddada loo dhaadhacaa.Dawladdu yaanay sahashanin khatarta iyo cawaaqib xumafa ka dhalankarta dagaalkan. Waxaanu carrabka ku adkeynaynaa khatarta noo muuqata in ay ka iman karto dagaalkan oo ku fidi kara degaanno kale, khalkhalna galin kara guud ahaan nabadgalyada qaranka Somaliland.

Ugu dambeyntii ururkan UMD wuxu taageerayaa dadaalka iyo gurmadka hoggaanka beelweynta Dir ee uu horkacayo Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo dhammaan madaxdhaqameedka kale ee reer Somaliland.

Allah ayaa mahad leh.

Guddoomiyaha Ururka MIDNIMADA Direed (UMD)

Ibraahim Cali Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here