“Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Waxa Uu Ku Sugan Yahay Sacuudiga Si Uu U Hor Istaago Xoolaha Somaliland, Maxjarada Berbera-Na Wuu Usoo Hanjabay”. Somaliland.

0
361
“Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Waxa Uu Ku Sugan Yahay Sacuudiga Si Uu U Hor Istaago Xoolaha Somaliland, Maxjarada Berbera-Na Wuu Usoo Hanjabay”. Somaliland.Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa safar kujooga dalka Sacuudiga si uu halkaasi uga cunaqabateeyo Xoolaha Somaliland ee Berbera ka dhoofaya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Xasan Gaafaadhi oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya dagaal balaadhan qaaday kadib markii uu Markab Xoolo sidaa Berbera uga shiraacday dhinaca Dalka Sacuudiga. Waxa uu sheegay in markabkaasi aanu ku tagin ogolaanshiyo dhinaca Dawlada Sacuudiga ah balse uu si kale ku tagay oo uu damaanad qaaday Baanka Islaamku.

Wasiir gaafaadhi ayaa sheegay in Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ku sugan yahay Dalka Sacuudiga islamarkaana uu dagaal kula jiro sidii loo soo celin lahaa Markab Berbera Xoolo ka qaaday afar cisho ka hor oo halkaasi ku xayiran. Waxa kale oo uu sheegay Xasan Gaafaadhi in Wasiirkaasi sidoo kale la soo hadlay Maxjaradda Dekeda Berbera islamarkaana uu u soo hanjabay.

“Afar habeen ka hor markab xoolo sida ayaa ka dhoofay Berbera, isagoo u sii jeeda Dekedda Jiddah ee Dalka Sacuudiga, dalka uu baankii Islaamiga ahaa ee Mooshinka Xajka uu dalbaday uu yidhi Xoolahaa halasoo raro oo halasoo daayo, isaga iyo nimankii Carbeed ee Xoolaha iibsan jirayba, oo ay bixiyeen damaanad ah inuu markabkaasi ka dego sacuudiga, Dawladda Muqdisho markii ay ka war heshay inuu markabkaasi Berbera ka dhoofay duulaan balaadhan ayaa la qaaday, ilaa iyo Wasiirkii Xanaanada Xooluhu waxa uu u dhoofay Sacuudi Carabiya, Magaaladda Jiddah, waxa uu culays weyn uu saaray in markabkaasi aan la rogin, waxa kale oo uu gaar ula soo hadlay Rag leh maxjaradda Berbera isagoo ku hanjabaya inaanay xoolo Somaliland ka dhoofa oo aan Warqadda Muqdisho sidan ka degi doonin dekeddaha Sacuudi Carabiya” Ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here