Madax-weyne Muuse Biixi Oo Digreeto Ku Joojiyey Dhisme Koox Ganacsato Ahi Ka Bilowday Gurigii Carwada Ee Hargeysa

0
652

Madax-weyne Muuse Biixi Oo Digreeto Ku Joojiyey Dhisme Koox Ganacsato Ahi Ka Bilowday Gurigii Carwada Ee Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa digreeto Madax-weyne ku joojiyey dhisme ka socday dhulka Gurigii Carwada Hargeysa ee bariga magaalada Hargeysa oo dhawaan koox ganacsato ahi ka bilowday halkaasi.

Digreetadan madaxweyne Muuse oo aan si rasmiya warbaahinta looga shaacin ayaa sida ilo xog-ogaal ahi warbaahinta u xaqiijiyeen waxa ay xafiiska madaxweynaha kasoo baxday 11 jully 2019 .

Digreetadan Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa ay iluhu xuseen in madaxweyne Muuse ku socod-siiyey wasiirka hawlaha guud iyo wasiirka horumarinta caafimaadka, digreetadan ayaa sidoo kale waxa ay iluhu xuseen in Madaxweyne Muuse ku amray in dhulka dhismahan Guriga Carwada lasiiyo laguna wareejiyo dhakhtarka weyn ee caasimada Hargeysa oo madaxweynuhu xusay in uu u baahanyey dhul kale oo looga dhiso qaybo kale oo uu caasimada ku yeesho, isla markaasina madaxweyne ahaan uu go’aan saday in dhulkaasi laga dhigo qayb kamida cusbitaalka weyn ee caasimada Hargeysa.

 

Dhinaca kale kooxdan ganacsatada ah ee dhismaha ka waday dhulka gurigii Carwada Hargeysa ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey ku hawlanayd banaynta iyo rarida dadkii tirada badnaa ee deganaa qaybaha kala duwan ee dhismahan, kuwaas oo meherado ganacsi iyo cusbitaal gaar ah ba ku haystay dhismahan tan iyo intii dalka lagu soo noqday, rarida dadkan oo sida xoguhu tibaaxeen kooxdan ganacsatada ah waxa kaga baxday lacag xadi leh , taasi oo qaybteedii ugu danbaysay ay bixinaayeen mudo ka yar todoba cisho ka hor.

Kooxdan ganacsatada ah ee dhisanaysay dhismahan Guriga Carwada Hargeysa oo sida xoguhu xaqiijiyeen deegaan ahaan kasoo jeeda isla deegaanka bariga Hargeysa ee dhismahani kuyaalo ayaa sida la sheegay waraaqo ogolaansho ah ka haystay dawladii madaxweyne Siilaanyo iyagoo isla markaasina bilowgii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixina is afgarad xoojin u ah heshiiskaasi la gaadhay xubno sare oo ka tirsan Xukuumada, ayaa ilaa hada aan ka hadal talaabadan culus ee la sheegay in madaxweyne Muuse kusoo rogay kuna joojiyey dhismahii ay ka wadeen dhulka Guriga Carwada Hargeysa oo ay haatan gabi ahaantiisba dumiyeen xayndaab dheer oo jiingad ahna ku wareejiyeen isla markaasina jiixidiisii bilaabeen todobaadkan kadib markii ay ka amba-bixiyeen kooxdii ugu danbaysay ee ka hadhsanayd dadkii ganacsiyada ku haysatay iyo kuwii deganaaba.

Inkasta oo aanay si rasmiya Xukuumada iyo Kooxdan ganacsatada ahiba uga hadal arintan, waxa aad looga dareemayaa farxad iyo soo dhawayn balaadhan qaybaha dhamaan qaybaha kala duwan ee deegaanka bariga Hargeysa ee ay gaadhay xogtani, Arintan oo sidoo kale u muuqata hadii ay sidaasi ku dhaqan gasho guul weyn oo Madaxweyne Muuse iyo Xukuumadiisuba ay ku heli-doonto kasbasho iyo taageero mugle dhamaan bulshada reer Somaliland gaar ahaana dadweynaha deegaankan bariga Hargeysa taageero ahaan u badnaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here