Dawlada Jabuuti oo la ogaaday inay Ganacsade ina Awsiicid soo diren iyo moganaanta Shacabka Somaliland .

0
544

 

DUBAI —Warshadii Sibidhka Berbera oo ay Xukuumadda Muuse Biixi si qarsoodiya u siisay Shirkadda uu leeyahay ganacsade aad ugu soo ololeeyay Madaxweyne Biixi wakhtigii doorashada Madaxtooyadda Maxamed Aw siciid Geedi iyo shirkad dalka Cumaan laga laga leeyahay oo layidhaa RAYSUT CEMENT oo ay dabada ka wado Xukuumada Djibouti.

Taasi oo aynu ognahay in dawlada Djibouti aanay ogolayn in Somaliland samayso horumar dhaqaale, iyo mid siyaasadeedba hadaba Arinta carqaladaynta warshada sibidhka berbera waxaa ka dambeeya oo la ogaaday Djibouti oo adeegsanaysa Ganacansade Maxamed Aw siciid,kadib markii la ogaaday in hawshaasi dhaqaaqday kana war heleen halka ay marayso arinteedu oo shacabka reer Somaliland isugu tagay oo la rabo in dhawaan hawsha la soo gabagabeeyo dhismaha warshadii sibidhka Berbera Ganacsade Maxamed Aw siciid Geedi iyo shirkad dalka Cumaan laga laga leeyahay oo layidhaa RAYSUT CEMENT ayaa la ogaaday inay Xukuumada Djibouti hawshaasi lug weyn ku leedahay.

Heshiiskani oo u muuqda mid qarsoodi ah oo aan sifo sharci ah loo marin, mana jirto wali warbixin ku saabsan heshiiskan oo kasoo baxday hay’addihii ku shaqada lahaa. Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa u muuqday inuu abaal gud ku siiyay Maxamed Awsiciid Geedi oo ay isku beel hoose kasoo wada jeedaan, islamarkaana wakhtigii ololaha ka badheedhay taageeradiisa, waxaanay arintani abuuri doontaa buuq iyo kacdoon xoogleh oo dad badani u fasiran doonaan qaabka kursiga arimo kale looga faa’iidaysanayo.
Wargeyska dawlada Cumaan ee layidha Times of Oman ayaa markii u horeysay soo bandhigay arinta warshadani halkan hoose ka akhriso warbixinta oo dhan.. https://somalilandpress.net/2019/07/15/raysut-cement-to-invest-40mn-in-somaliland/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here