“SIYAASADA SOOMAALIA QANIIN OO AFUUF “Afhayeenka Kulmiye UK Mohamad Abdi Adam

0
441

 

“SIYAASADA SOOMAALIA QANIIN OO AFUUF “Afhayeenka Kulmiye UK Mohamad Abdi AdamGuddida Wada-hadallada ee Soomaliya ay magacawday.

Guddida wada-hadallada ee dawladda Somalia u magacawday wada-hadallada Dowladda Jamhuuriyada Somaliland iyo Maamulka Somalia waa mid guud ahaanba ay Somalia si cad ugu diidantahay in arrimaha wada-hadallada Somaliland iyo Somalia xal laga gaadho.

Waxa ay qaateen Siyaasada qaniin oo Afuuf, mana aha mid xal doon ah.

Waxaana cadayn u ah arrimahan iyo ficillada Somaliya ay qaaday:

1. Somalia waxa ay weerar cad ku qaaday siyaasada arrimaha dibadda iyo xidhiidhada ay Somaliland dunida ku leedahay.

2. Waxay weerar dhaqaale ku qaaday dhaqaalaha Somaliland, haddii ay tahay maalgashiga dekeda Berbera iyo damaca is hortaaga dhoofka Xoolaha ee ay ku doonayaan iyaga oo Xamar fadhiya in ay canshuur ka qaatan dekeda Berbera.

3 Waxa ay ka baxeen dhammaan heshiisyadii ay Somaliland iyo Somalia hore u galeen (Shirarkii hore Somaliland iyo Somalia) Sida kii ugu danbeeyay ee hawada iyo in aan la siyaasadeen arrimaha dhaqaalaha iyo horumarka.

4. Gudidan ay Somalia magacwday oo si toos ah uga hor imanaya heshiiski ugu horeeyay ee wada-hadallada ee ahaa in loo wada-hadlo labadii gobol ee isu tegay 1960. Qodobkan oo ahaa kii markii danbe wedka u noqday wada-hadallada in ay sii socdan, kadib markii Somalia ku so dartay gudida wada-hadallada xubno Somaliland u dhashay. gudidan maanta lamagacabayna ay ku jiraan xubno Somaliland u dhashay.

5. Somalia waxay sheegay in ay gudidani ku shaqayn doonan xaydabka Dastuurka Somalia, kaas oo aan khusayn Somaliland isla markaana ka so horjeedada dhamman danaha ay Somaliland u galayso wada hadalad.

6. Xiliga lagu so beegay oo ah xili 3 xaaladoodba ay taaganyihiin, a) Xaalada xoolaha Somaliland oo wali u afduuban Somalia, b) Somalia oo ku so durugtay Xadka Somaliland e Bariga iyaga oo so raray kantoroolkii Garoowe soona galiyay gudaha Somaliland, c) 17 July oo ay so saareen warkan oo ku began maalintii Xasuuqa Jasiira uu dhacay, isla markaan ay Dawladda Somalia abaal marinta iyo dalacsiin siisay xubnihii danbiga ku eedaysna.

Ujeedada ay Somalia Xiligan u so magawacday gudidan:

Waxa cad in Somalia iyada oo culays badani kaga imanayo beesha caalamka ay u tusto in ay wada-hadal diyaar u tahay magacawdo gudidan, dhinaca kalana isku dayaysa si kasta oo ay caqabad u hordhigi karayso wada-hadallada in ay qabsoomaan.

In ay Somaliya isku deyayso in ay u sawirto adduunka cida aan wada-hadalka doonaynayn in ay Somaliland tahay.

Maxay Tahay in ay Somaliland kaga jawaabto?

Somaliland waa in ay shaxda si fiican u fahanta oo aannay noqon dulmane haddana isagu gar daran, waa in ay fahantaa siyaasada qanin oo afuuf. Somaliland marka hore waa in ay guddida wada-hadal ay magacawdaa, guddida oo ka kooban,

1-Xubno Somaliland ah ayna ku jiraan ururkii Mujaahidiinta SNM.

2- Xubno ajaanib ah oo sharci yaqaanno ah Kana soo jeeda Kenya iyo Ethiopia.3) In xayndaabka ay ku shaqaynayaan uu ahaado Dastuurka Somaliland.

Tani waxay so dadajinaysa in ay Somalia noqoto cida wad-hadalka diidan.

Afhayeenka Kulmiye UK
Mohamad Abdi Adam

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here