Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir Oo Talooyin Ku Waajahan Dhoofka Xoolaha U Soo Jeediyey Xukuumada

0
417

Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir Oo Talooyin Ku Waajahan Dhoofka Xoolaha U Soo Jeediyey Xukuumada

Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir, oo Xukuumaddii hore Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, haddana ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa hadlay dhoofka Xoolaha Somaliland ee Sucuudiga, waxaanu soo jeediyey in xidhiidh toos ah lala yeesho dalka Sucuudiga.

Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Arintan dhoofka Xoolaha siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay, warar kale duwana wey ka soo baxayaan, xoolaheenana si toos ah inagu Sucuudiga uguma iibino umana dhoofino, ee waxaynu ka iibinaa Ganacsato Carbeed, oo uu ka mid yahay Jaabir, iyaga ayaa si toos ah Sucuudiga u geeya, oo Sucuudiga ula macaamila, waxaa se inaga ila gudboon Somaliland ahaan iyo Dawlad ahaanba mar haddii go’aano lid ku ah qaranimadeena ay soo baxeen inaynu si toos ah ula xidhiidhno Sucuudiga, oo aanay cidiba inoo dhaxaynin, gaar ahaan Hay’addaha Dawliga ah Sucuudiga ee dhoofka Xoolaheena saamaynta ku leh, sida Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, Sucudiguna sidiisaba maaha inuu yidhaahdo Xoolaha Somaliland, Somaliya ha soo maraan, oo Somaliya amar uga soo qaata”.

Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa wuxuu yidhi “Wax qarsoon maaha inay Somaliya inagu wado sidii Somaliland loo saari lahaa cuna qabatayn dhaqaale, mana aha inaynu Somaliya ku meeraysaysano, maxaa yeelay Somaliya waa dal aynu mar midawnay, haddana aynu kala baxnay, inooma taliso, kamana amar qaadano, ee waxaa la inaga rabaa inaynu si xeel dheer u waajahano siyaasada iyo dagaalka dimbolmaasiyadeed ee inaga dhanka ah ee Somaliya inagu wado”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here