Stephen Doughty oo Baarlamaanka UK u soo Jeediyey inay Biiraan Magaalooyinka Dalkaas ee ku Baaqay Aqoonsiga Somaliland

0
328

Stephen Doughty oo Baarlamaanka UK u soo Jeediyey inay Biiraan Magaalooyinka Dalkaas ee ku Baaqay Aqoonsiga Somaliland

XildhibaanStephen Doughty oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka UK ayaa ammaanay tallaabadiiGolaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham ay ku aqoonsadeen dhawaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Stephen Doughty wuxuusidaasi ka sheegay fadhi uu yeeshay Baarlamaanka Ingiriisku,waxaanuxildhibaanku bartiisa Twitterka ku baahiyey inuu fursad u helay inuu bogaadiyoGolaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham isla markaana uu baarlamaanka UK ku booriyey inay ku soo biiraan Magaalooyinka Cardiff,Sheffield iyo TowerHamlet oo hore usoo jeediyey in la ictiraafo Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo uuStephen Doughtyoo ka mid ah saaxiibbada Somaliland uuBaarlamaanka Ingiriiska ka sheegay in qurba jooga Somaliland ee ku nool UKay taageero ka geysteen horumarka iyo ganacsiga Somaliland.

 

Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Mr. Rory Stewartayaa isnafadhigaas ka xaqiijiyeyin qurbajooga Somaliland ee UK ay si xoogle ugu ololeeyaan Somaliland, waxaanu tusaale u soo qaatay inay ka hawlgalaansidii Somaliland u xakameyn laheydGudniinka fircooniga ah.

Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska wuxuu xusay in Jaaliyadda Somaliland ee UK ay dalkooda ka saacidaan sidii ay u geyn lahaayeen khubarro gacan ka geysata mashaariic ka socda Somaliland.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA,Waa markii labaad ee Xildhibaan Stephen Doughty uu muddo laba bilood gudahood ah Baarlamaanka Ingiriiska ku soo hadal qaado Qaddiyadda JSL.

Cumar Maxamed Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here