Xildhibaan Ka Tirsan Soomaaliya Oo Farmaajo Uga Digay Inuu Ku Kaco Arimo Sii Kala Fogayn Kara Labada Shacab “Mashruucii New Deal, Warqadda Xoolaha Lagaga Mamnuucay….”.

0
341

Xildhibaan Ka Tirsan Soomaaliya Oo Farmaajo Uga Digay Inuu Ku Kaco Arimo Sii Kala Fogayn Kara Labada Shacab “Mashruucii New Deal, Warqadda Xoolaha Lagaga Mamnuucay….”.

Senetor Mustafa qodax ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay talaabooyinka xayiraadaha ah ee ka dhanka ah somaliland.

Senetor Mustafe Qodax ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu dawlada federaalka ah ku canaantay talaabooyinka ay qaaday ee ka dhanka ah dhaqaalaha iyo horumarka somaliland, isaga oo sheegay inaanay ahayn qaar horseedi kara in markale midaw dhexmaro labada dawladood.

Senetor Mustafe Qodax ayaa qoraalka uu soo saaray waxa uu dhignaa sidan:-

Dagaalkii lagu qaaday DPW, mashruucii new deal, warqadda xoolaha lagaga mamnuucay inay Berbera ka dhoofaan iyo hagardaamooyin badan oo kale oo dawlada federaalku samaysay waxay ahaayeen dagaal toos ah oo loola badheedhay shacbiga reer somaliland in lagu bar tilmaameedsado noloshooda, tallaabooyinkaas dhammaantood waxa ka dhashay cawaaqib saamayn taban oo wayn ku yeeshay quluubta dadka, islamarkaana saddex jibbaaray walaaca dadka reer somaliland ka qabaan midnimo danbe oo soomaaliyeed.

Waxa muuqata in mixnada soomaali dhextaallaa ay kasii darayso, batroolka ugu badana koonfur lagaga shubayo. Koonfurta soomaaliya wali waxa ku sugan dad badan oo reer somaliland ah oo isugu jira siyaasiyiin ku jira golayaasha dawlada, ganacsato iyo aqoon yahan kale oo siyaabo kala duwan uga shaqeeya koonfurta soomaaliya mana dhacdo in mar qudha wax laga waydiiyo arimaha quseeya masiirka iyo nolosha dadka reer somaliland siiba marka la gaadhayo go’aano xasaasiya sida kan xoolaha ee hadda taagan.

Markaan eego sida wax usocdaan, markaan si fiican u dhegaystay qudbadihii AHUN ina cigaal ee khiyaamadii lixdankii, markaan arkay in siyaasiga reer koonfureed waxkale iska daayoo aanay ogolayn in dhalinyarada looga sheekeeyo sidii ay ku timi midnimadii 60kii, markaan arkay in dagaalku ku wajahan yahay shicibka somaliland ee aanu ku wajahnayn siyaasiga somaliland, markaan arkay, isdiidooyinka ficil iyo qawl ee dawlada federaalka (midnimada soomaaliya waa muqadas odhaah aad inta badan ka maqlayso madaxda somaliya iyo ficil kaa kasoo horjeeda 100%), markaan arkay inay dawlada federaalku wada hadaladii somaliland iyo soomaaliya ka door bidayso inay wax muquuniso iyadoo ka faa,iidaysanaysa aqoonsiga dunida.

Arimahaas oo dhammi waxay keeneen in la sii kala fogaado, anagana (siyaasiyiinta reer somaliland ee koonfur joogta) anu ku noolaano dacar, waa inta damiirka lehe waxan ugu baaqayaa inay shir degdeg ah isigu yimaadaan siyaasiyiinta ku jirta golayaasha dawlada oo lagaga arinsanayo mashaqada iyo xumaanta loola badheedhay dadkayaga

Wabillaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here