Baaq Nabadeed. Waxa Qoray. Eng: Waxa Diyaariyey: Xasan Cabdi Kabadhe.

0
390
Nabaddu waa bar bilowga badhaadhaha iyo liibaanta nololeed,

waana aasaaska uu ka unkamo horumarka iyo isbedelka tolmoon ee ummadi samayso. Nabadda iyo nolosha waa laba isku sidkan
ooRabbi isku lamaaneeyay, waana wax aan suurto gal ahayn in nolol la helo haddii nabaddu meesha ka baxdo.

Nabaddu waa udub dhexaadka kawnkan aynu ku nool nahay, waana tiir haddii la waayo ay dhammaan laamaha kale ee noloshu wada dumayaan. Shareecada Islaamka waxay isku lamaanaysay “Amniga iyo Iimaanka” iyada oo weliba lasoo hor mariyay Amniga. Ilaahay cibaadadiisa oo ah waxa ugu weyn ee Jinka iyo Insiga loo abuuray ayuu ilaahay ag dhigay nabadgalyada iyo degenaanshiiyaha. Taasi ayaa ku cadaynaysa qiimaha ay nabaddu ku leedahay Ilaahay agtiisa. Waakii Nebi Ibraahim (CS) markii uu dhulka barakaysan ee Xaramka u ducaynayay lahaa: “Ilaahayoow dhulkan waxaad ka yeeshaa mid degan oo nabad ah ”

Nabad waarta oo aynu helnaa waxay inooga baahan tahay; isku soo dhaweynta iyo midaynta hab-fikirka bulshada, jihaynta iyo hagidda dadkeena. Umaddu hadaanay helin hogaan horkaca oo hormuud u noqda way iska wada hor iyo daba imanayaan waxaana ku dhacaya kala furfur iyo kala fogaansho ummadeed.

Bulshada Somaliland waxay kasoo gudubtay marxalado kala duwan oo mid walba waayaheeda lahayd, xaalad kastana laga soo qaatay waayo aragnimo iyo casharo nololeed ku filan qofka walba

oosoo joogay iyo cidwalba oo taariikhda dib u dhugatay. Maanta oo laga soo doogay qaxii iyo qalalaasihii aafeeyey dadkeena, dalka intiisa badanna degenaansho iyo nolol wanaagsani ka jirto, maaha in qorigu inoo gooyo waxa aynu tabano ee waa in caqliga lagu baadi doono waxii la tabanayo.

Mustaqbalka jiilka danbe ee dalkan usoo kacaya waxa uu inooga baahan yahay in aynu u wada halgano dhisitaanka ummad midaysan oo han iyo himilo hogaamisa leh. Haddii Aabo yaasheen inagu soo simeen dal xasiloon oo nabad iyo degenaanshiiyo leh, innakuna waa in aynnu ubadkeena u dhisno nolol sareedo leh iyo mustaqbal ifaaya.

Hadaba ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha umaddu waxay u baahan tahay in guntiga loo wada giijisto, xilna la iska wada saaro dhawridda xasiloonideena iyo dhisidda masiirkeena umadeed. Qof kasta oo reer Somaliland waa in uu ku baraarugsanaadaa in waxa aynu wada leenahay oo ah dalkan (Somaliland) uu ka wayn yahay doonistiisa, wada jirkeena iyo

ummadnimadeena ayaa ka weyn waxa aynu isku hayno. Waatii xigmadda soomaaliyeed ahayd “Nabad baa naas la nuugo leh”.

Maansadda Ansaraar oo ah maanso aan kaga hadlayo nolosheena: waana tan ee dhugasho wacan:

Ø Allahii na abuurayee

ØAbaaraha naga doojayee

ØIbaha caano ka keenayoow

ØAdaan kuu andacoodee

ØDucada iga ajiib.

Ø Ananoow iyo beeniyo

ØAanada iyo qabiilka

ØIblayskaa ku shaqaystee

ØIlaahoow naga saar.

Ø Adduunkaanu ku noolnay

ØAakhiraa ka balaadhane

ØIlaahoow na badbaadi.

Ø Ilaahay baryadiisa

ØIntaa aynu ku dhaafnee

ØAadmigaan la hadlaayoow

ØMidna yaan la ilaawin.

Ø Arwaaxaa dhimanaaya

ØAllah ha u naxariistee

ØAsbaabtaa tan ah mooyee

ØSaacaddaa ka idlaatay

muhiimadda nabad galyadu u leedahay

Ø Oo mawdkaa soo galay Aanoo

ØIblayskaa ka shaqeeyey.

Ø Ibtilaaga dhacaayiyo

ØAnsaraar iyo qaylo

ØAqoontoon fidsanayniyo

ØAafadaa jahligaa leh.

Ø Aadmigaan la hadlaayoow

ØMidna yaan la ilaawin

ØAayaadka Quraankiyo

ØAxaadiista rasuulka (SCW)

ØAllahii inna uumaa

ØKu ilaashay nafteenoo

ØAadmigaa ku badbaadee

ØItibaac la yimaada.

Ø Aadmigaan la hadlaayoow

ØMidna yaan la ilaawin

ØNabadaa arligoo dhan

ØIntifaac u samaysoo

ØAqoontay kobcisaaye

ØAadmigaa hadhsanaaye

ØTaana yaan la ilaawin.

buux0210@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here