Dhacdo Ugub Ah: Wasiir Ay Madaxweyne Biixi Hayb-Wadaag Yihiin Oo Saddex Wasaaraddood Xilkooda Haya Iyo Qaabka Uu U Maamulo + Cadaymo Muujinaya.

0
1298

Dhacdo Ugub Ah: Wasiir Ay Madaxweyne Biixi Hayb-Wadaag Yihiin Oo Saddex Wasaaraddood Xilkooda Haya Iyo Qaabka Uu U Maamulo + Cadaymo Muujinaya.

tan iyo intii uu Madaxweyne Biixi Hogaanka Dalka Qabtay Laba sannadood ka hor waxa maalinba maalinta ka dambaysa dalka lagu arkayaa dhacdooyin yaableh oo ku cajab-galinaya kuwaasi oo aan hore dalka uga dhicin.

Arimaha maalmahan aadka loo hadal hayo ee ugubka ku ah Qaranimadda iyo Hogaaminta Somaliland ayaa waxa ka mid ah in Madaxweyne Biixi wasiir ay isku hayb hoose wadaagaan uu si caadi ah ugu igmaday inuu saddex wasaaraddood wasiir ka noqdo, waxaanay arintani noqotay mid fajac galisay islamarkaana Dhako faar ku riday dadka aadka ula socda hanaanka hogaamineed ee Somaliland kusoo dhaqmaysay 28-sanaadood ee ay soo jirtay.

Madaxweyne Biixi ayaa laba bilood ka hor soo saaray Qoraal uu Wasiirkiisa Maaliyadda Sacad Cali Shire ku faray inuu si ku meel gaadh ah Shaqadii Wasiirnimo u sii hayo Wasaaradda Qorshaynta oo Wasiirkii wasaaraddaasi xaalada Caafimaad dalka dibada ugaga maqan yahay. Arintaasi ayaa hadal hayn badan keentay, iyadoo aad wax la iskaga waydiiyay sababta uu Madaxweyne Biixi u aamin waayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda oo sharci ahaan u leh inuu xilka Wasaaradda sii hayo marka uu Wasiirku Maqan yahay xaaladuu doono haku maqnaado eh. Waxaa dood badan dhalisay sababta uu sidoo kale Wasiir ay isku hayb yihiin xilkaasi ugu igmaday.

Dhinaca kale wararka hadda soo baxaya ee soo gaadhay Warbaahinta ayaa sheegay in Wasiir Sacad sidoo kale si dad badan u hayo oo uu ugu lug leeyahay Xilka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland oo uu Wasiir ka yahay Wasiir Fartoon oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Sool. Arintan ayaa soo shaacbaxday kadib markii ay suuqa soo gashay inay Faratoon iyo Muuse isku dhaceen wakhti ku beegnayd mar uu faratoon Safar ku joogay Dalka Kenya magaalada Nairobi islamarkaana uu halkaasi ku yeeshay kulamo aan farxad galin Madaxweyne Biixi. Warar wakhtigaasi la helay ayaa sheegay in Faratoon warqad iscasilaad ah dhabta u saaray Madaxweyne Biixi balse Madaxweynaha ayaa sida la sheegay arinta dhulka dhigay oo dejiyay.

Intaasi kadib Waxa uu Madaxweyne Biixi ka shakiyay in sirihii arimaha Dibaddu cid kale u gacan gasho Cadhada Faratoon awgeed, waxaanu si dadbadan bishii udambaysayba ku wareejiyay arimihii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Wasiir Sacad Cali Shire . Wararka qaar ayaa sheegay in Wasiir Sacad markii horeba uu gacanta ku hayay Xidhiidhadii dibadda sida Email-lada Saaxiibadda Somaliland ee wadamadda Dibadda iyo Shakhsiyaadka muhiimka u ah Somaliland ee Dibadaha uga ololeeya. Arimaha muujinaya in Sacad wali lugta kula jiro Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa waxa ka mid ah inuu safaradda dibadda Madaxweynaha wali u raaco. Safarkii u dambeeyay ee Madaxweyne Biixi ku tagay dalka Gini waxa uu ka mid ah waftiga.

Sidaasi ayuu wasiir Sacad oo ay hayb wadaag yihiin Madaxweyne Biixi uu u noqday Wasiirkii ugu horeeyay ee Somaliland soo mara ee Saddex Wasaaraddood Xilkooda isku haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here