Puntland Oo Laga Dalbaday In Ay Maxkamad Hor Geyso Dad Boosaaso Lagu Xidh Xidhay

0
331

Waxaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, maalintii Afaraad ku xiran afar xubnood oo ka mid ah guddi u xilsaaran dhismaha waddada dhex marta magalaada.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka Puntland iyo dadka la xiray ay isku fahmi waayeen hannaanka loo maray $150 kun oo dollar oo la sheegay in ay dowladda federaalka ee Soomaaliya ka heleen. Lacagtaas waxaa loo adeegsan lahaa dhismaha waddada, sida dowladda laga soo xigtay.

Puntland ayaa ku doodaysa in lacagtaas ay ahayd in la soo mariyo Bangiga Dhexe ee maamulkaas, guddigana laga codsaday in ay geeyaan Bangiga, ama ay dib u celiyaan balse ay ku gacan sayreen.

Xubnaha xiran waxaa ka mid ah guddoomiyihii guddigaas, Sheekh Maxamed Macallin oo xalay xabsiga loo taxaabay, sida uu ku warramay weriye Axmed Cawil oo ku sugan Garoowe.

Saddexda xubnood ee kale ee xiran ayaa kala ah: Sheekh Maxamed Faahiye Ciise, Nabadoon Maxamed Ibraahin Xaaji iyo Eng Maxamuud Maxamed Xuseen (Maalfo).

Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ayaa la sheegay in guddigaas ay u xil saareen qaban qaabada dhismaha waddada halbowlaha ah ee dhex marta magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here