Magacyada Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo La Sheegay In Amar Madaxweyne Lagu Xidhay

0
397

Magacyada Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo La Sheegay In Amar Madaxweyne Lagu Xidhay

 Afar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Gabiilay ayaa la xidhay kadib markii lagu wargaliyay in madaxweynuhu uu soo bixiyay amar lagu xidhaayo, sida ay warbaahinta la wadaageen.

Xildhibaanadan ayaa u ololaynaayay inay xilka ka tuuraan maayarka Gabiilay, waxaan soo baxday warqad uu soo saaray wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo golayaasha deegaanka ee dalka lagaga reebaayo inay xilalka ka qaadaan maayarada hadda jooga.                                                                              Xildhibaan Maxamed Amiin Cali  oo ka waramay qaabkii loo xidhay xildhibaanadan oo uu goob joog u ahaa waxa uu yidhi “Waxa dhacday aniga iyo xildhibaan Iid iyo xildhibaan Dhegjar oo wada socona ayaa nala’la soo hadlay waxaana la yidhi boolis ayaa idin raadinaya oo caruurtii waxyeelaysay, markii aanu tagnay gurigii ayay boolisku isku weer naga qabteen markii aanu nidhi maxaa dhacayna waxa la yidhi waa laydin soo dacweeyay, saldhigii markii aanu tagnay waxa dhacday in la yidhi adigu kuma jirtid laakiin labadii kale ay yidhaahdeen amar madaxweyne ayaa lagu xidhayaa, laba xildhibaan ayaa tagay oo labadii xildhibaana waa la xidhay,”

Xildhibaan Buraale oo ka mid ah xildhibaanadan la xidhay ayaa isaga oo la hadlaayay tilifishanka Bulsho oo khadka tilfoonka kula xidhiidhay isaga oo xidhan waxa uu sheegay sababta iyo cida xidhay ” waxa  xidhan Xildhibaan Iid Xasan, xildhibaan Xasan Cabdi Dhagjar,xildhibaan Mahdi iyo aniga waxaana nalagu yidhi waxa laydinku xidhay amar madaxweyne oo ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha, warqadna nalama siin ee anagu nimankan ayaanu saldhiga ugu nimi anagana waa nala xidhay.”

Xildhibaanada xidhan ee Gabiley ayaa kala ah: Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi, Xildhibaan Buraale Mawliid, Xildhibaan Xasan Axmed Dhagjar iyo Xildhibaan Iid Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here