Guddi Loo Xilsaaray Taakuleynta Dadkii Ku Dhaawacmay Qarixii Muqdisho

0
402

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa guddi ka kooban wasiirro, xildhibaanno, iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka u xilsaartay in ay ka shaqeeyaan xaaladda dadkii ku waxyeelloobay qaraxa.

Guddiga waxay gurmad degdeg ah u sameyn doonaan dadkii ay dhibatada ka gaartay qaraxa, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guleed.

Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xafiiska Maayarka magaalada Muqdisho.

“Qaramada Midoobey waxaa ka go’an sii joogteynta taageerada ay siiso shacabka Soomaaliya ee ah sidii loo heli lahaa nabad, xasillooni iyo horumar,” ayuu yiri Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Farhan Haq.

Warqad

Qaraxa waxaa ka dambeysay haweeney xiratay waxyaabaha qarxa oo la sheegay inay gashay xafiiska oo uu shir uga socday mas’uuliyiinta maamulka Gobolka.

Qaraxa waxaa ku dhintay lix qof oo ay ka mid yihiin guddoomiyayaal, Agaasimayaal iyo dadkale oo katirsanaa maamulka gobolka Bnaadir, Sidaas waxaa BBC u sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay lix qof oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Gudoomiye Yariisow waxaa lagu daweynayaa cisbitaalkaa Erdogan oo horey la oran jiray Digfeer. Waxaa ilo ku dhow maamulka ay sheegeen in laba qalliin lagu sameeyay, ayna suuragal tahay in dalka dibaddiisa loo qaado.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna tilmaameen in bartilmaameedka uu ahaa Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Waxyar ka hor qaraxa ayuu sarkaalka u dhashay Mareykanka ka baxay dhismaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Xarunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xarumaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo.

Waa arrin aad u yar in Al-Shabaab ay isqarxin u adeegsadaan qof dumar ah. Welina macadda waxa sababay in “si fudud” ay ku gasho gudaha xilli uu socday shir amniga ku saabsan.

Qaraxan wuxuu imaanayaa ka dib labo maalmood ka hor oo qarax ka dhacay barkoontorool oo ku taalla KM4, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof.

Sidoo kale, horraantii bishan ayay Al-Shabaab weerareen huteel ku yaalla Kismaayo oo ay ku dileen 26 qof.

“Shacabka Soomaaliyeedna waxaan u sheegeynaa wax cad weeye inaan dagaal kula jirno waxa uu ugu yeeray argagixisada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee la duufsaday dagaal kula jirno, shacabka Soomaaliyeedna waxaan leennahay dagaalkaasi lagu hayo argagixisada iney ku gacan siiyaan dowladda” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo BBC u warramay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here