Maanta Kubadii Waxay Saarantahay Miiska Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin

0
407
“Maanta Kubadii Waxay Saarantahay Miiska Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin”Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa sheegay inay beesha caalamku dadaaladii ugu danbeeyay ee ay ku dhex galaayeen xukuumada iyo xisbiyada Somaliland ay sameeyeen, isla markaasna kubada doorashadu ay saarantay miiska madaxweynaha iyo wasiirkiisa arimaah gudaha.

Guddoomiye Cirro oo dalka ku soo laabtay ayaa si kooban uga hadlay arinta xalka loo waayay ee doorashooyinka, waxaanu isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi ” Inkasta oo aan soo kalahay waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay anigoo nabad qaba inaan ku soo laabto dalkaygii,saxaafada waan u warami doonaa markaan xisbiga la tashado laakiin guud ahaan kalmad uunbaan rabaa inaan idhaahdo ku saabsan doorashada, gurmadkii ugu danbeeyay ee beesha caalamku ay inoogu timaado asxaabta mucaaradka ah iyo beesha caalamku waxbay isla garteen, maanta kubadii waxay saarantahay miiska Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here