Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Geerida Ku Timi Marxuum oday Axmed Cabdilaahi Xareed (Weerar) Oo Hargeisa Ku Geeriyooday

0
342

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum oday Axmed Cabdilaahi Xareed (Weerar) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 25/07/2019, magaalada Gabiley.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii loo soo galay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here