Safiirka Somaliland Ee Yemen Oo Qaabilay Saxafiga Ruug-Cadaaga Ah Ee Caydaruus Baaxashwaan.

0
399

Safiirka Somaliland ee Yemen oo qaabilay saxafiga ruug-cadaaga ah ee Caydaruus Baaxashwaan.

Waxaa maanta booqasho ku yimid Xafiiska Wakiilka Somaliland ee dalka Yemen Saxafiga caanka ah ahna mulkiilaha iyo tafatiraha Wargeyska Aden Time mudane Caydaruus Baaxashwaan. Waxaana halkaasi ku qaabilay Safiirka Somaliland ee Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed iyo ku-xigeenkiisa Idiris Adan Raage.

Ugu horaynaba Safiirka ayaa uga mahad celiyay saxafiga booqashadiisa iyo sida mudakarka ah ee ay wax uga qoraan qadiyada Somaliland iyo guud ahaanba xogaha ku saabsan Somaliland.

Saxafiga ayaa isaguna ka mahad celiyay booqashadii xog ogaalnimada ahayd ee uu ku tagay Somaliland iyo martiqaadkii loo fidiyay ee uu kaga qayb galay xuska 18 may ee sanadkan.

Caydaruus ayaa ka mid ah ruug-cadaaga saxaafadda Yemen isaga oo  kontonkii sano ee danbeeyay ka  hawl galaayay qaybaha kala duwan ee warbaahinta.

Gabagabadii kulanka waxaa la isku af-gartay in labada dhinac iskaashi iyo wada shaqayn joogto ah yeeshaan, qadiyada Somaliland ay meel dheer gaadhsiiyaan.

Allaa mahad leh,
Maxamed Maxamuud Maxamed
Xog-hayaha iyo Xidhiidhka Guud ee Xafiiska JSL ee Yemen.

Cadan – Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here