Qareenada Somaliland Oo Soo Bandhigay Gefafka Sharci Ee Ay Xukuumadu Kula Kacday Xildhibaanada Ay Xabsiga Dhigtay Ee Gabiley

0
458

 

warsaxaafadeed ay soo saareen ururka qareenada somaliland ayey ku soo bandhigeen gefafka sharci ee ay xukuumadu ku kacday, waxaanu warkoodu u dhignaa sidan:-

Ujeedo.War saxaafadeed Cambarayn Xadhiga Xildhibanada

Waxay cambaaraynayan Xadhiga qayra sharciga ah e lagu xidhay lixda xildhiban e degmada Gabiley xadhigan xildhibaanadu waa xadhig qayra sharci ah oo ku xad-gudub ku ah dastuurka qaranka JSL. Xadhigan xildhibaanadu waa xadhig aan loo marin nidaam xeered iyo mid caddaladeedtoona waxaana jira gaf sharci oo xad-gudubku ku ah dasturka iyo xeerarka kale e Somaliland ba waxaana la khalday nidaamkii xadhiga e dastuurka qaranku tilmaamay waana sidan hoos ku qoran khaladaadka sharci e ay xukumada gashay e xad-gudubka ku ah dasturka qarankan lagu dhisay.

  • Xadhiga xildhibaanada looma marin nidaamkii sharcigu tilaamayey waxaanu xadhigoodu xad-gudub ku yahay Qod.24 xubintiisa 3 aadoo xildhibanada golaha degaanka siinaysa xasaanad sharci ah waxaanu xubinta qodobkani mabnuucaysa in la xidho xildhibaanada golaha degaanka haddii aan ogolaansho laga haysan golaha ay ka tirsanyihiin, waxaana la xidhay iyada oo aan wax ogolaansho ah laga haysan golaha degaanka Gabiley waana xad-gudub dastuuri ah , waxa kale oo sharci ahaan xildhibaanka la xidhi kara marka lagu qabto isaga oo fal danbi ah oo ka badan saddex sanno faraha kula jira taasina may dhicin oo ma jirto waxaana loo qabtay hab ka baxsan nidaamka sharciga ah kana soo hor jeeda mabaadii’da dastuuriga ah e dalka
  • Xadhiga xildhibaanada wax ogolaansho sharci ah looma haysan ogolaanshahaasi oo ah in marka hore la eedeeyo loona gudbiyo Xafiiska xeer-ilaalinta Gobolka Gabiley ka dibna haddii xeer-ilaaliyuhu ku qanco ay xafiiska xeer-ilaalintu ka dalbada golaha degaanka gabiley in xildhibaanadan Xasaanada laga qaado sidaana uu golaha fadhi kaga dalbado oo ka dib fadhiga golaha haddii laga ogolaado oo ay goluhu Xasaanada kaga qaadan fadhi aan caadi ahayn waxa uu xeer –ilaaliyuhu ka dalbanaya waaran sharci ah si wafaqsan Qod.40 XHC
  • Maxkamada Gobolka Gabiley waxaana lagu qabanlahaa waarankaasi Maxkamadii haddii ay ka ogolaato dalabka Xafiiska xeer-ilaalinta marka nidaamkan la dhamaystiro ayaa la xidhi kara xildhibanada golaha degaanka kaliya Xadhig kasta oo xildhibaan loo gaysto oo aan loo marin nidaamkan sare ku xusani waa xaaran waana qayra dastuuri waxaanay xukumadu ku xad-gudubtay oo jabisay Qodobka dastuurka e .25 xubintiisa kowaad oo mabnuucaysa in aan qofna xoriyada laga qaadi karin lana xidhi karin ilaa loo maro hab-sharciga waafaqsan waxaanu qodobkan xubintiisa kowaad u dhigantahay sidan” Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn” . xadhigan xildhibaanadana looma marin nidaamkii sharcigu tilmaamay e ku xusan Qod.24 xubintiisa2aad e xerN0 23/2002waana gaf sharci iyo ku xad-gudub dastuur , sidoo kale isla Qodobkan 25 e dasturka qaranka JSL xubintiisa 2 labaad wuxu Mabnuucaya in qof la xidho iyada oo aan loo haysan waaran sharci ah oo ka soo baxay garsoore awood sharci u leh waxaanay xubinta qodobkani u qorantahay sidan ” Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.” Xadhiga xildhibaanadan looma marin nidaamka uu tilmaamayo Qodobkan dastuuriga ahi waxaana lagu xidhay bilaa waaran sharci oo ma jiro waaran sharci oo u fasaxaya booliska inay qabtan xildhibaanada awood sharci oo ay ku qabtaana may jirin qabashada bilaa waranka ah iyo bilaa ogolaansho golaha degaanka ahi ee ay ku qabteen boolisku xildhibanadana waxay xad-gudub ku tahay qodobkan25 e dasturkaqarankaJSL
  • Xildhibaanada waxa loo diiday markii la xidhay inay la kulmaan qareenadooda iyo ehelkoodaba diidmadaasi waxa diiday oo qareenadii iyo ehelkiiba u diiday inay arkan Taliyaha laanta danbi baadhista booliska oo aan habayaraatee ogolayn in la arko una diiday qareen iyo ehelba diidmadaasina waa mid qayra dastuuri ah waxaana ka dhalanaya danbi ciqaab ah xukumada Somaliland baana dastuurku ku waajibiyey inay talaabo ka qaado cid kasta oo diida xaq dastuuri ah oo qodob dastuur ahi jideeyey waxaana dastuurku siinaya qof kasta oo la xidho ama xoriyada laga qaado wuxu xaq u leeyahay inuu si deg deg ah ula kulmo qareenkiisa iyo ehelkiisaba waxaana suurta galinaya oo deg deg ula kulansiinaya booliska soo xidhay muwaadinka xoriyada la qaaday waana waajib dastuuri ah sida ku cad Qod. 27 e dasturka qaranka JSL xubintiisa kowaad oo u dhigan sidan ” Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado” waana gaf dastuuri ah oo ay booliska iyo xukumaduba ku xad-guduben oo qodobkan dastuurka waxa ka xoog badan oo sharci ah amarada khaldan e ay bixinayan masuuliyiinta xukumada iyo taliyeyaasha boolisku sharciguna waa mid ku qoran uun buugaagta oo aan masuuliyiinta xukumada qaban, sababtoo ah sida uu tilmaamayo Qod. 27 xubintiisa 9 aad oo u dhigan sidan ” Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya’” sidoo kale isla Qod. 25 xubintiisa 3 oo u dhigan sidan

” Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda” labadan qodob e dasturka ahi waxay waajib sharci kaga dhigayan xukumada in cid kasta oo ku xad-gudubta xuquuqaha dastuuriga ah e la xidhiidha xadhiga iyo xoriyaadka muwaadiniinta talaabo sharci laga qaado ciqaab danbina uu mutaysanayo sarkaal ama masuul kasta oo ku xad-gudba xuquuqaha dastuuriga ah e aan kor ku soo sheegnay waxaaana dhacda in maalin kasta la jabiyo laguna xad-gudbo qodobada dasturka e ka hadlaya xaqa xadhiga iyo xoriyaadka muwadiniinta waana Qod.24,25,26,27e dasturka dhamaantood qodobadan waa la jabiya dhaqan kasta ama ficil kasta oo ay xukumadu qaadaysana waxay ka so hor jeedan qodobadan waana mid caado iyo dhaqan ah

  • Maxkamada la hor-geeyey e xadhiga xildhibaanada awood sharci oo lagu horgeeyo oo ay ku rumaan garayn karto ma leh , xadhiga7 da cishoe ay rumaan garaysayna waa mid qayra sharci ah awoodna uma laha waana Maxkamad aan sharciga baalmartay oo wax aanay awood sharci u lahayn xalaalaysay 7 cisho e ay rumaan garaysayna waa qayra dastuuri sababtoo ah sida uu tilmaamayo xeerka Ismaamulka Gobolada iyo degmooyinku Xadhiga xildhibaanada waxa awood sharci u leh Maxkamada ku taala degmada laga doorto ama gobolka ay xildhibanada ka yihiin Maxkamada ku taala xildhibanadani waxay ka tirsanyihiin Golaha degaanka Gobolka Gabiley waxaana xalaalayntooda la hor-gaynaya Maxkamada Gobolka Gabiley waxaana jidaynaya Qod.26 oosheegaya in Maxkamada ku taala degmada laga soo doortay la hor-gaynayo xildhibanada golaha deganka sidoo kale waxa tilmaamaya awooda Maxkamada qaadaysa dacwada Qod.5 e xerkahabka Ciqaabta xerN0Law No. 84 of 12 December 1972waana qayra dastuuri in ay Maxkamada Gobolka Maroodi jeex rumaan garayso Xadhiga xildhibanadan waayo Maxkamadii awooda u lahayd maaha sidoo kale horgaynta la hor-geeyey Xadhiga Xildhibaanada waxay xad-gudubku tahay Qod.7 aad e XerN0.24/2003Maxkamada gobolka Maroodi jeexna waxay xalaalaysay Xadhig xaraan ah oo gaf ku ah dastuurka qarankan JSL.

Xalaalaynta Xadhiga Xildhibaanada e Maxkamada Gobolka Hargaysi waa xad-gudub dastuuri ah sababta oo ah waxa la hor-geeyey xadhiga aanay awood u lahayn , waxa kale oo ay rumaan garaysay xadhig qayra sharci ah oo gaf sharci ku ah Qod, 24 xubintiisa 3 aad e XerN0 23/2002 oo u dhigan sidan “Xubinta Golaha lama qaban karo haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha

ama aanu fal dambiyeed faraha kula jirin” waxa kale oo ay ku gaftay Maxkamada gobolku Qod.25 e dasturka qaranka JSL xubintiisa 2aad oo waxay rumaan garaysay xadhig qayra sharci ah oo aan loo haysan amar ogolaansho sharci ah oo ka so baxay garsoore awood u leh oo aan loo marin nidaamkii xeerku baneeyey kana soo horjeeda Qod,25 xubintiisa 1aad e dasturka qaranka JSL waxaanay Maxkamada gobolka Maroodi jeex ku gaftay Qod 97 xubintiisa 2aad oo u dhigan sidan “Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka” ficilkan ay Maxkamadu samaysayna waa mid ka soo horjeeda qodobkan dastuuriga ah waayo waxa waajib sharci ku ah Maxkamada inay shaqadeeda u gudato si waafaqsan dastuurka islamarkana ka madax banaan awooda waaxyaha kale e qaranka waxaana muuqata inaanay Maxkamadu wax sharci ah eegin oo aanay ixtrimaamin dastuurka qaranka, islamarkaana aanay muujin madaxbanaanidii dasturku siiyey , waxa kale oo ay Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ku gaftay Qod,21e dasturka qarankaJSLoo waajib sharci kaga dhigaya Maxkamada in ay ilaaliso fuliso una fasirto si waafaqsan bayaanada Caalamiga ah waana xuquuqaha dastuuriga ah e ku xusan Qod.25.26.27.28.29.30.31.32e dasturkaqarankan JSL .

Ugu danbayntii urur ahaan waxaanu aad uga walaacsanahay ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka wadanka oo maraya meel aad u liidata islamarkana ka sii daraya maalinba maalinta ka danbaysay taasina waxay sii xoogaysay in tacadiyada loo gaysto muwadiniintu uu batay maalin walbana ay si joogta ah ay hayadaha booliska, Xeer-ilaalinta, Maxkamaduhu ugu tuntaan xuquuqda dastuuriga ah e Muwadiniinta reer –Somaliland , waxaa meesha ka baxay ku dhaqankii dasturka qaranka JSL oo aan habayaraatee wax ixtraam ah la siinin laguna shaqayn waxa sharci ah, dasturkii dalkuna noqday amarada ay bixiyaan masuuliyiinta xukumada iyo taliyeyaasha boolisku waana arin cad oo xaqiiqo ah oo taala manta dalka waxana tusaale ugu filan bulshada reer-Somaliland habkii loo xidhay Xildhiban dhakool iyo habkan loo xidhay lixdan xildhibaan e reer Gabiley e la garab maray nidaamka xadhiga e u jideeyey dasturku e ku xusan Qod.25.26.27.28.29, 21, dasturka qaranka JSL oo aan wax macno leh ahayn halka amarada Madaxda booliska iyo masuuliyiinta xukumaduna ay yihiin kuwa ugu xooga badan e la fuliyo taasi oo ah mid ka baxsan hanaanka suuban e dowladnimo islamarkana xad-gudub ku ah xuquuqda aadamaha waayo xuquuqda muwaadiniinta waxa ilaaliya dasturka qarankaJSLgaar ahaan Qod,21,24,25,26,27,28,29,30,32e dhamaana qodobadan xukumada way ka saartay meesha oo maba shaqeeyan lagumana dhaqmo taasi macnaheedu waxa weeyi in aanay dowlada Somaliland ogolayn xuquuqda caalamiga ah iyo xaqa xadhiga iyo xoriyadka e muwaadiniinta dasturku u dammaanad qaaday oo ay ka soo horjeedo xuquuqaha caalamiga ah

Waxaanan baaq u diraynaa Madaxwaynaha qaranka JSL , Goleyaasha sharci dajinta, Guddoomiyaha Maxkamada sare,

  1. in sharciga lagu dhaqmo oo shaqada qaranka lo ohayo lagu dabaqo dasturka qarankan JSL
  1. in la ixtiraamo xuquuqaha xadhiga iyo xoriyadaha la xidhiidha loona fasiro si waafaqsan baaqyada caalamiga ah e dunida
  1. in talaabo sharci laga qaado cidkasta oo ku xad-gudubta dasturka qarankan JSL oo ah ka ugu sareeya dalka
  1. in la joojiyo fullinta amarada taliyeyaasha booliska iyo xukuumada e qayra dastuuriga ah kuwaasi oo aad moodo inay halkii dasturka galay oo aan dastur shaqayn balse ay amaradan qayra dasturiga ahi ay waqti xaadirkan dastuurkii dalkan noqdeen
  1. Waa in si deg deg ah xildhibanada xoriyadooda loogu celiyo madaama aan loo qaban hab sharciga waafaqsan xadhigooduna xad-gudub ku yahay Qod.25 xubintiisa 1aad iyo 2aad iyo qod,27 xubintiisa I aad iyo 2aad e dasturka qaranka JSL iyo Qod,24 xubintiisa 3aad e XerN023/2002kuwan oo dhamantood lagu xad-gudbay
  1. Waxaanu u soo jeedinaynaa Goleyaasha sharci dajinta inay la xisaabtaman xukumada oo ay kula xisaabtaman ku xad-gudubka dasturka iyo gafafka dhaqanka noqday e ka dhanka ah xuquuqal aadamaha e loo gaysto muwaadiniinta xoriyada laga qaado kuwaasi oo an helin gabi ahaanba xuquuqdii dastuuriga ahayd e u dhalanaysay marka la xidho ama xoriyada laga qaado oo qaab ka baxsan nidaamka dastuuriga ah loo qabto, waana in talaabo sharci laga qaado cidkasta oo ku xad-gudubta dasturkan qaranka JSL waayo ku xad-gudubka dasturku waxa ka dhalanaya danbi ciqaabed

ALLah Mohad Leh

Mohamed Mohamoud Hashi ———————————————-

Guddoomiyaha Ururka Qarenada Somaliland e SOLLA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here