Booliska Brasil oo laalay eedeymihii kufsi ee loo haystay ciyaaryahan Neymar

0
563

Gabadha lagu magacaabo Najila Trindade Mendes de Souza oo u dhalatay isla dalka Brasil ayaa ku eedeysay Neymar in uu ku kufsaday.

Kufsiga ayaa la sheegay in uu ka dhacay magaalada Paris, taariikhdu marka ay aheyd 15. mai ee sannadkan, waxaana gabadha “la kufsaday” ay sheegtay in Neymar ay iska barteen barta bulshada ee Instagram-ka, sidaasna uu ugu casuumar magaalada Paris.

Hotelka fitel Paris Arc Du Triomphe ayay sheegtay in ay ku kulmeen, habeen habeenada ka mid ahna uu ku xoogay.

Aabaha dhalay Neymar oo lagu magacaabo Silva Santos oo ka difaacayay wiilkiisa eedeymahan cusub ee soo food-saaray ayaa waxaa uu sheegay in wiilkiisa la shir-qoolay islamarkaana arrinkan uu yahay mid sumcadda looga dilayo.

Waxaa kaloo Aabe Silva uu sheegay in arrintan ay ka dambeeyaan dad doonaya in ay iyaga lacag ka qaadaan, balse ay horay ugu diyaargaroobeen marxaladaha noocaan oo kale ah, haddii ay soo food-saaraan.

Si kastaba, waxaa horay arrin noocaan oo kale ay lasoo gudboonaatay ciyaaryahanka isna caanka ah ee reer Portugal Ronaldo, waxaana gabar Mareykanka daggan ku eedeysay in uu ku kufsaday hotel ku yaal magaalada Lasvegas, waxaana maxkamad kadib la isku afgartay in uu bixiyo magdhow lacageed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here