Toddobaad Ka Dib Qarixii Ka Dhacay Dowladda Hoose Ee Muqdisho

0
682

Toddobaad ka dib qaraxii ka dhacay hoolka shirrarka ee maamulka dowladda gobolka Banaadir ee lagu dilay gudoomiyayaal degmo iyo agaasimayaal, laguna dhaawacay duqii caasimadda wali ma soo bixin baaritaanka la xiriira qaraxaasi iyo sida uu uga dhacay gudaha xarunta.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka, Ibraahim Cumar (Ibraahim Dheere) ayaa BBC-da u sheegay in warbixinta ugu dambeysa ee la xiriirta qaraxa ay ka sugayaan hay’adaha ammaanka ee heer federaal iyo heer gobol.

“Runtii weli waxaa socda baaritaan, arrinkaasna waxaan jeclahay in loo daayo laamaha ammaanka sababtoo ah weli ma dhammaanin. In aan ka hordhacnana ma doonayno, marka waxaan ka warsugaynaa laamaha ammaanka.”

 

Ibraahim Dheere ayaa sheegay in caafimaadka Gudoomiye Cabdiraxmaan Yariisoow iyo dhaawacyadii lala qaadayba ee lala geeyay waddanka Qatar, ay aad u wanaagsan yihiin.

“Gudoomiyuhu aad buu u fiican yahay caafimaadkiisu 100% weeye, koomadii wuu ka baxay wuu fiican yahay, waxaan rajaynaynaa gudoomiye Cabdiraxmaan asagoo socda oo caafimaad qabo inuu ku soo laabto xafiiskiisa,” ayuu yiri Ibraahim Dheere.

Shaqadii maamulka gobolka iyo dawladda hoose ayaana dib u bilowday sida uu BBC u sheegay Ibraahim Dheere.

“Howlaha gobolku si caadi ah ayey u socdaan oo shalay waxaannu joognay degmada Xamar Weyne oo barnaamijkii ahaa is-xilqaan uu ka socday, maanta waxaan furnay waaxda saddexaad ee Oktoobar ee degmada Waabari, marka howlihii gobolka sidii loogu talagalay ayey ku socdaan.”

Xaruunta dowladda hoose ee Muqdisho

Waxaa sidoo kale isbedel lagu sameeyay amniga xarunta dowladda Hoose: “Waa runtaa qaraxa wuxuu ka dhacay aqalka Dowladda Hoose loogaga arrimiyo. Ammaanka gelitaanka albaabka isbadel wayn ayaannu ku sameynay,” ayuu yiri Ibraahim.

“Ciidamada waxay howlahoodii u gudanayaan sidii loogu talagalay, marka cashar baan ka barannay wixii dhacay, si ay tii dhacday mid la mid ah aysan u dhicin mar dambe.”

Arbacadii la soo dhaafay oo hadda isbuuc laga joogo -24kii bishan July – ayuu qarax ka dhacay xarunta dowladda Hoose oo uu ka socday shir amniga ku saabsan.

Injineer C/raxmaan Yariisoow

Waxaa isla goobta ku dhintay lix ka mid ah saraakiishii maamulka gobolka, sida wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), uu isla maalintii qaraxa uu dhacay uu BBC u sheegay. Ka dib waxaa cisbitaalka ku dhintay laba masuul kale oo ka tirsanaa agaasinka maamulka.

Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay goobaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo.

Presentational white space

Taariikh kooban oo ku saabsan masuuliyiintii ku dhimatay qarixii Muqdisho

Maap 

Agaasimaha Nadaafadda Gobolka Banaadir: Cabdifitaax Cumar Xalane

Cabdifitaax ayaa dowladda ka dhexmuuqday tan iyo sannadkii 2014kii. Markii ugu horeysay waxaa loo magacaabay Agaasimaha warfaafinta iyo Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna xilligaas aasaasay idaacadda Gobolka.

Wuxuu sidoo kale noqday Agaasimaha qeybta howlaha guud taas oo dhowaan laga qaaday, wuxuuna dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay hayay xilka agaasimaha guud ee nadafadda Gobolka Banaadir.

Cabdifitaax Xalane

Cabdifitaax Cumar Xalane wuxuu ku dhashay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, wuxuu waxbarashada Aasaasiga ah ku qaatay Muqdisho intii lagu jiray sannadihii burburka. Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda Simad.

Wuxuu noqday Macallim, wuxuuna sidoo kale ka shaqeeyay warbaahinta Muqdisho ka hor intuusan arrimaha maamulka ku biirin.

Xilligii uu Afhayeenka ahaa waxaa lagu garanayay hadalladiisa adage ee ka dhanka ahaa ururka Al-Shabaab, wuxuuna warbaahinta la hadli jiray xilliyada ay weerrarada qaraxyada ay dhacaan.

Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha: Cabdullaahi Cali Dheere

Si la mid ah Mahad, Cabdullaahi Dheere Soomaaliya kama uusan qixin muddadii burburka lagu jiray, wuxuuna wax ku bartay Muqdisho.

In ka badan 10 sano ayuu ka shaqeynayay maamulka Gobolka Banaadir, inta badanna wuxuu ahaa Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha maamulka. Waxaa lagu tilmaamay inuu aqoon badan u lahaa arrimaha shaqaaleysiinta.

Sidoo kale wuxuu soo qabtay xilal kale oo ka tirsan maamulka dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.

Agaasimaha Qorsheynta deegaanka Hoose: Injineer Shuuriye

Wuxuu Injineer Shuuriya ka baxay jaamacadda Banaadir, wuxuu ku taqasusay dhanka dhismaha magaalooyiinka.

Wuxuu ka dib noqday macallim, wuxuuna shaqada maaamulka Gobolka ka soo billaabay lataliye uu u noqday gudoomiyaha, ka dib ayuuna noqday Injineerka agaasima dib u dhiska magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Cabdicasiis: Sabaax Cabdullaahi Asad

Sabaax Waxay 8/10/1989 ku dhalatay magaalada Garoowe oo ay ku dhameysatay waxbarashadeeda aasaasiga ah. Ka dib waxay jaamacad u aaday dalka Hindiya.

Sabaax Cabdullaahi

Waxay Sabaax waxbarashada ka dib degtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo lagu guursaday. Xilligii madaxwene Farmaajo uu ololaha doorashada ku jiray ayey Muqdisho u guurtay.

Bishii April ee sannadkan ayaa loo magacaabay guddoomiaha degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Shangaani: Sahra Markeesi

Sahra Sheekh Amiin Markeesi, waxay filimqaade u ahayd telefishinka Qaranka ee Soomaaliya oo ay ka tirsanayd afar sano.

Waxay sidoo kale muddo ka shaqeyneysay arrimaha haweenka ee degmada Shangaani oo sannadkii la soo dhaafay ay ka noqotay Gudoomiye.

Ka hor intaan la magacaabin waxay degmada ka fulisay arrimo bulsho, taas oo la sheegay in ay sabab u ahayd in xilka loo dhiibo.

Sahra Markeesi waxay ku geeriyootay cisbitaalka oo la geeyay iyadoo dhaawac ah.

Guddoomiyaha Waabari: Mahad Cilmi

Mahad Cilmi

Mahad waxaa xilka Gudoomiyaha Degmada Waabari loo magacaabay Bishii July ee sannadkii la soo dhaafay, Ka hor wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsanaa maamulka Galmudug.

Wuxuu ka shaqeeyay arrimaha bulshada sida waxbarashada.

Mahad wuxuu ahaa dadkii aanan dalka ka qixin, wuxuuna waxbarashadiis ku dhameystay gudaha Soomaaliya.

Lataliyaha dhanka sharciga ee Maayarka: Abukaate Xasan Maxamed Sabriye

Sabriye wuxuu ahaa dadkii waxbarashada dhammeeyay ka hor intuusan billaaban dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ay soo martay.

Dadka yaqaana waxay da’diisa ku qiyaasayaan inuu 60 sano dhaafay kaas oo muddo ka soo shaqeeyay dowladda hoose.

Abukaate Sabriye

Wuxuu mar noqday agaasimaha waaxda gaadiidka gobolka Banaadir, wuxuu sidoo kale noqday agaasimaha guud ee Gobolka Banaadir. Hadda wuxuu ahaa lataliyaha dhanka Sharciga ee maayarka gobolka Banaadir.

“Wuxuu ahaa dadkii ay ku tiirsanayd dowladda hoose” ayuu dhahay mid ka mid ah dadka la soo shaqeeyay Abukaate Shuuriya.

Wuxuu ka qeybqaatay dejinta qaar ka mid ah shuruucda ay ku howlgasho dowladda hoose ee maamulka Gobolka Banaadir.

Guddi loo xilsaaray taakuleynta dadkii ku dhaawacmay qarixii Muqdisho

Duqa Muqdisho iyo James Swan

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa guddi ka kooban wasiirro, xildhibaanno, iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka u xilsaartay in ay ka shaqeeyaan xaaladda dadkii ku waxyeelloobay qaraxa.

Guddiga waxay gurmad degdeg ah u sameyn doonaan dadkii ay dhibatada ka gaartay qaraxa, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guleed.

Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xafiiska Maayarka magaalada Muqdisho.

“Qaramada Midoobey waxaa ka go’an sii joogteynta taageerada ay siiso shacabka Soomaaliya ee ah sidii loo heli lahaa nabad, xasillooni iyo horumar,” ayuu yiri Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Farhan Haq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here