Xogta Dhabta ah Ee sababtay In Farmaajo Lumiyo Muwaadinimadiisa Maraykanka

0
372
Madaxweynaha Dowladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa go’aansaday inuu ka noqdo muwaadinimadiisii dalka Maraykanka (relinquishes his U.S. citizenship), isagoo wixii hadda ka dambeeya aan loo aqoonsan doonin inuu yahay muwaadin reer Maraykan ah. Haddaba, waxa isweydiintu tahay maxaa xiligan sababay in Farmaajo ka noqdo muwaadinimadiisa Maraykanka? Ma isaga ayaa si iskii ah u nacay muwaadinimada Maraykanka, isla markaana jeclaaday inuu ku koobnaado muwaadinimada Soomaaliya oo qudha? Ma Cadaadis siyaasadeed oo kaga yimid dhinaca Maraykanka ayaa arrintsan keenay, mise waa qaddiyad la xidhiidha sharci ka soo baxay dowladda
Maraykanka?
Nuxurka jawaabaha laga bixin karo su’aalahani waxay ku soo ururayaan in aannu go’aankani ahayn mid is iskii ah uga soo go’ay ama uu si iskii ah u qaatay Madaxweyne Farmaajo, kamana ah jacayl uu u qabo muwaadinimada Soomaaliyeed iyo lexejeclo kale oo uu ka qabo Soomaaliya, balse waxay arrintani la xidhiidha sharci ka soo baxay Dowladda Maraykanka oo lagu shaaciyey in muwaadiniinta Maraykanka ah aanay xilal sare oo siyaasadeed ka qaban dal shisheeye oo aan ahayn Maraykanka, iyadoo sharcigaas lagu caddeeyey in dadka haysta muwaadinimada
Maraykanka ee madax ka noqda dalal shisheeye ama ka qabta xilalka siyaasadeed ee ay ka mid yihiin;
1. Madaxweyne/Ra’iisal-wasaare ama masuulka ugu sareeya qaran kale/dal kale
2. Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Sida lagu caddeeyey qoraal lagu faafiyey website-ka Waaxda Arrimaha Dibadda
Maraykanka (US Departement of State), gaar ahaan waaxda qaabilsan arrimaha socdaalka, qoraalkaas oo mar kale dib loo cusboonaysiiyey taariikhdu markii ay ahayd 12 March 2019, waxa lagu qeexay in muwaadinka Maraykanka ee xil siyaasadeed oo sare ka qabta dal kale, isla markaana u dhaarta inuu dalkaas daacad u yahay, kana shaqaynayo danihiisa dalnimo ay taasi suurtogal ka dhigayso in qofkaasi uu lumiyo muwaadininimadiisa Maraykanka. Waxa kaloo sharcigani bixinayaa fursad ah in qofka Maraykanka ah ee xil Madaxweyne/madax ka noqda dal kale ama noqda Wasiir Arrimadeed ee dal uu marka hore isagu si iskii ah u go’aansado inuu ka tanaasulo muwaadininimada Maraykanka,
taasina waa arrinta xudunta u ah go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaannu ogaaday in aannu sii ahaan doonin muwaadinin Maraykan ah, maadaama oo uu madax ka noqday dal kale, sidaa awgeed Farmaajo isaga ayaa ku xad-gudbay shuruucda muwaadinimada Maraykanka, tasina waxay keentay inuu lumiyo muwaadinimadiisa Maraykan. Dhinaca kale, Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaas hore ayuu uga sii taxaddiray, iyadoo muddo 18 sanno ka hor ah la xaaraantinimeeyey inuu Somaliland madaxweyne ka noqdo masuul haysta dhalashada ama muwaadinimada dal kale,
waxaanna arrintaas lagu caddeeyey qodobka 82-aad ee dastuurka Somaliland oo afti qaran lagu ansixiyey sannadkii 2001-kii, waxaannu qodobkaasi u dhigan yahay sidan;
QODOBKA 82AAD
SHURUUDAHA QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE
AMA MADAXAWEYNE-KU-XIGEEN
Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa qofka
buuxiya shuruudaha soo socda:
1. Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo aan muwaadinimo dowlad kale
haysan, balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan.
2. Waa inuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.
3. Waa inaanay da'diisu ka yaraan afartan sanno {40}.
4. Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilkiisa
5. Waa inuu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha maamulka {mid dawliya iyo
mid kaleba}.
6. Waa in aannu dambi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland.
7. Waa inuu xaaskiisu yahay Muslim.
8. Waa inuu xog-ogaal u ahaado xaqaa'iqa dalka ka jira, isaga oo joogay ugu yaraan laba
sanno ka hor taariikhda doorashada loo cayimay inay qabsoonto.
9. Waa inuu hantidiisa diiwaangeliyo.
Murrashaxa haysta dhalasho dal kale ee go’aansada inuu u tartamo jagada Madaxweyne-
nimo ama Madaxweyne-ku-xigeen ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa waajib ku ah
inuu marka hore Guddida Doorashooyinka Qaranka u gudbiyo caddayn muujinaysa inuu ka
tannaasulay dhalashadii shisheeye ee uu haystay.
Faahfaahinta sharciga sababay in Farmaajo ka noqdo muwaadininimadiisa
Maraykanka iyo arrimaha la xidhiidha waxa aad ka heli kartaa lingaxan (link)
hoose.
https://travel.state.gov/content/travel/en/legal/travel-legal-
considerations/Advice-about-Possible-Loss-of-US-Nationality-Dual-
Nationality/Loss-US-Nationality-Foreign-State.html
By; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here