Sawirro: Meydka Marxuum Injineer Yariisow Oo Laga Soo Dajiyey magaalada MUQDISHO

0
406
Muqdisho (QoryaaleNews) – Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyey Meydka Marxuum Injineer Cabdiraxamaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Diyaarad qiyaas ah oo ka soo qaaday magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa keentay Meydka guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

Meydka oo lagu soo daboolay Calanka Soomaaliya ayaa waxaa soo dejiyey qaar ka mid ah ciidamada, iyadoo goor dhow lagu tukan doono salaada Janaasada.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waxaa Janaasadiiisa ka qeyb geli doono madaxda u sareysa dalka, sida Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda.

Dhowaan ayuu marxuumka u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here