Dowladda Somaaliya oo war horudhac ah kasoo saartay qarixii xarunta dowladda hoose, caddeysayna in gabar idho`la ay is qarxisay

0
325

Wasaaradda amniga gudaha oo tixraacaaysa warbixin baarineed oo horudhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha amniga  ee dowladda kuna saabsan qaraxii ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee Xamar 24/07/2019, waxay wasaaradda amnigu la wadaagaysaa  bulshada Soomaaliyeed sida soo socota:-

Ugu horayn, dowladda Soomaliyeed waxay tacsi u diraysaa intii ku dhimatay, sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajaynaysa intii ku dhaawacantay falki foosha xumaa ee ka dhacday xarunta dowlada hoose ee Xamar.

Dowladda Soomaliya ayaa cadeyneysa falkaasi in uu ahaa  dhibato loogeestay shacabka Soomaliyeed.

Baaritaan horudhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha amniga  ayaa lagu ogaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah oo dumar ah, kana shaqaynaysay xarunta dowladda hoose ee Xamar, ayadoo kaalmo ka heleysay ruux kale oo dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd xaruunta dowladda hoose.

Labada gabdhood ayaa baaritaanku caddeeyey in aan la dhameystirin hubintii loo baahnaa markii la shaqaaleysiinaayay.

Sida lagu ogaaday baaritaanka, labada gabdhood ayaa fasaxyo isku dhow oo bil gudeheeda ah wada qaatay, iyadoo xogta qaar ay tilmaantay in ay tageen goobo ay maamulaan argagixisada.

Nafteed haligtada ayaa si khaldan ugu tagri fashay caadifaddii ay u hayeen madaxda iyo dadka ay la shaqeynaysay, maadaama ay ka mid aheyd dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Uga dambeyn, waxaan bulshada Soomaliyeed la wadaagaynaa mar labaad in falkaas argagixiso  ee ka dhacay xarunta dowladda hoose loo soo qab qabtay  dad lagu tuhunsanyahay in ay ku lug yeelan karaan falkaas, lana hor gaynayo hay’adaha garsoorka ee ku shaqada leh .

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay in ka badan 10 ruux oo uu ku jiro guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).

-DHAMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here