Faysal Xiis Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Masuul Cusub Oo Loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka.

0
340

Hargeysa(Qoryaalenews)-Gaashaanle dhexe Khadar ayaa loo magacaabay taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka Somaliland.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska Booliska Somaliland oo lagu baahiyay magacaabista, laakiin warar soo baxay ayaa xaqiijiyay in taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland sareeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan uu xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ilaalada waddooyinka gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi, waxaanu xilkaas u magacaabay gaashaanle dhexe Khadar oo hore u hayn jiray xilkan. 

 

Faysal ayaa sii ahaan doona afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland oo uu hore u hayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here