Turkiga Oo Ku Dhaqaaqay Arrin Aysan Jecleysanin Midowga Yurub

0
453

Dowladda Turkiga ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ay ku dooneyso in saliid ay kaga soo saarto bariga badda Mediterranean-ka, inkastoo Midowga Yurub ay ka digeen arrintaas.

Laba maraakiib oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa durbaba bilaabay inay Gas iyo shidaal ka qodaan jasiirad ay ku muransan yihiin dalalka Turkiga Qubrus.

Midowga Yurub ayaa waxay shegeen in tallaabada Turkiga aanan la aqbali karin.

Dalka Qubrus ayaa ah dal ka tirsan Midowga Yurub, walow qeyb ka mid ah dalkaas oo doonaya inay ka go’aan Qubrus ay taagersan yihiin Turkiga.

Tallaabada Turkiga aya timid xilli ay wadahadlayaan Madaxweynaha Qubrus iyo hogaamiyaha Cypriot, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan sidii markale dib loogu midoobi lahaa.

Xukuumadda Ankara waxa kale oo ay tilmamtay in hawgalkan xiisadda ka dhaliyay gobolka uu yahay mid ay ku yaala xuduud dhuleedka Turkiga, ayna waafaqsan tahay shuruucda caalamiga.

Laba maraakiib oo ah kuwa shidaalka qoda ayay sidoo kale shegeen inay in maalmaha soo socda ku biiri doonaan maraakiibta kale ee jooga halkaas.

Hasayeeshee Midowga Yurub ayaa ku hanjabay inay cunaqabateyn ku soo rogi doonaan Turkiga, haddii ay sii wadaan hawlgalka uu Madaxweynaha Midowga Yurub Jean-Claude Juncker uu ku tilmaamay “sharci darro”.

Waxa kale oo EU ay ku baaqeen in Turkiga uu ixtiraamo madaxbanaanida dalka Qubrus.

.

Turkiga oo olole ugu jira sidii uu ugu biiri lahaa Midwga Yurub ayaa EU waxay shegene in dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Erdogan ay ka baxeen waxyaaba badan oo ay ballan qaadeen, kuwaa oo lagu wanaajinayo hannaanka caddaaladda iyo sharciga ee dalkaas.

Maxay xiisadda uga sii dartay?

Dalka Greek-ga iyo jasiirada Qubrus ee dhanka Turkiga ayaa kala tegay kadib collaadii 1974.

Kumanaan u dhashay Qubrus ayaa isaga qaxay guryahooda, kadib markii Turkiga uu weeraray waqooyiga jasiiradda, asagoo ka jawaabaya afgembigii milateri ee Qubrus ka dhacay, kaas oo ay taageertay dowladda Greek.

Qarama Midoobay ayaa xadeysay xariiqin kala barta labada bulsho eek u wada nool jasiiradda ku taala badda Mediterranean.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here