Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Miyuu Ka Soo Baxay Xilkiisii Mise Wuu Ku Fashilmay Masuuliyadii Gobolka ?

0
387

Burco (Qoryaalenews)-6 bishii labaad ee sanadkii 2018 ayey ahayd markii badhasaabka gobolka togdheer xamse maxamed cabdi lagu soo dhaweeyey duleedka magalada burco xiligaasi oo muuse bixi cabdi madaxwayanaha somaliland usoo magacabay gudoomiyaha gobolka togdheeer xamse cadawyuurura

iyadoo ay ka jiraan bahiyo badan oo gobolku laha waqtigaasi waxan bulshadu usoo dhawaysay si meeqaam sare ah waayo waxa loo arkayey inuu yahay masuul u dhashay gobolka isla markaana wax badan ka qabanaaya gobolkan togdheer.

 

 

xiligaasi wuu kala qaybsanaa gobolku waxana kala qaybsanantaas keentay dorshadii madaxtinimo ee somaliland oo si wayn loogu hirdamay gobolkan madama uu yahay magalo madaxda labaad ee somaliland taasi oo uu waxba ka qaban kariwayey xamse cadaw yuurura islamarkaasina sii huriyey qabyaaladii sida ay amin san yihiin dad badan oo burco ahi.

 

 

sidoo kale waxa xidhnaa garoonkii diyaraduhu ka duuli jireen Iyo gurigii somaliland lagaga dhawaaqay oo ilaa hadana xidhan bulshaduna waxana lagu hanwaynaa inuu xamse wax ka qaban doono madama uu ka soo jeedo gobolka loo soo magacaabay.

 

 

dhacdooyinka intii uu xamse cadawyuurura gudoomiyaha ka ahaa gobolkan togdheer waxa ka mid ahaa mudahaaraado soo noq noqday oo aan bulshada burco uga baran magalada mudaharaadadaaas oo khasaare hantiyeed iyo waliba dhaawacyo ka soo gaadheen qaar kamid ah bulshada burco.

 

 

Badiba waxa istaagay mashariicdii horumarineed ee gobolkani xaqa u laha taas oo ku timi iska shaqo xumida ka taagan gobolka intii uu gudoomiyaha ka ahaa xamse cadaw yuurura ma jiraan wax mashariic horumarineed oo ka hirgalay halka masuuliyiintii ka horaysay ay dhagaxdhigeen mashariic qaar kalena xadhiga ka jari jireen magaladani hadaba maxaa is badalay ma dawladan tii hore ahayn mise mashariicdan istaagay waxay ku yimaadeeen mamul xumo ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here