Sharaf Ayeey Ii Ahayd In Aan Xalay La Qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin” Wasiirul Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cabdullaahi Xaamud

0
335

Sharaf Ayeey Ii Ahayd In Aan Xalay La Qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin” Wasiirul Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cabdullaahi Xaamud

Madaxweynaha Dawladda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa xalay(Habeen Hore) kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Mina ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Kulankan ayaa waxaa Madaxweyne Biixi ku wehelinayey wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin iyo xubno kale, halka wasiirada ka socday xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ay is arkeen ay kala yihiin wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan iyo wasiiro dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud.

Mas’uuliyiintan oo Sacuudiga uu jooga gudasha waajibaadka Xajka ayaa waxa ay isla soo qaadeen xidhiidhka iyo walaaltinimada labada dhinac. Wasiiro dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay muhiimada Kulankaasi.

Xaamud ayaa sheegay inay sharaf u aheyd inay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland. “Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.
Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan.”ayuu yiri Cabdullaahi Xaamud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here