Dad Ku Dhintay Fatahaado Ku Dhuftay Suudaan

0
442

Toddobo qof ayaa ku dhintay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Al Jaziirah ee dalka Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda ee Suna.

“Toddobo qof ayaa ku dhintay halka 2 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dhibaatooyinka ka dhashay roobabka xooggan ee ka da’ay gobolka Jaziirah” ayaa lagu yiri warbixinta.

Tiro shacab ah ayaa ka qaxay guryahooda markii ay daadad ku dhufteen halkaas.

Waxaana barta Twitter-ka lasoo geliyay sawirrada deegaanada ay daadadku ku dhufteen.

Social embed from twitter

wedian ibrahim@wedian_ibrahim

Heavy rain caused flooding in Khartoum, Sudan. At least 9 people have been killed and more than 400 homes have collapsed leaving hundreds of people homeless.

View image on TwitterView image on Twitter
See wedian ibrahim’s other Tweets

Report this social embed, make a complaint

Barasaabka gobolka Jaziirah, Janaraal Axmed Hanan Axmed Subeyr ayaa sheegay inay gargaar u fidinayaan dadka ka qaxay fataahadaha.

Boqolaal qof ayaa sidoo kale ka barakacay fatahaado ku dhuftay magaalada Khartuum, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here